this is the same Sayyid praising H.Y .
Duca awliyaad buu qabaa degaha Tuurwaaye-(Gadhweyn)
Waa niman gaalada deldala doog iyo abaare
Waa nimanka doofaarradii daariguu jaraye (warsangali iyo Dhabayaco)
Roobkiina waa kaa u da'ay duraha jiilaale
Waa kaa dalkoodii ballidu wada duraabtaaye
Waataa arladii daahirtee diib kasoo kariye
Cawskii dumaayoobay baa doog kasoo baxaye
Dalagyadiyo dooxooyinkii diisha iyo qaare
Dunqaarihiyo xamshkaa sidii diriq la moodaaye
Maalkii diraacdii dhalaa doobke loo culane
Duunyada wxa laga maalayaa darartii caanoode
Rabbogii dawaa'iga sidaa deeqii noo ridaye