Page 1 of 1

Hisbul Islami meets with Islamic Scholars

Posted: Mon Apr 06, 2009 4:46 pm
by Somaliman50
Kulan ballaaran ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay Hay'ada Culimada Soomaaliyeed iyo Ururka Xizbul Islaam, kaas oo looga hadlayay xaalada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa nabada dalka.

Gudoomiyaha Hay'ada Culimada Soomaaliyeed sheekh Bashiir Axmed Salaad oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wadaan dadaalo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya dalka gaar ahaan Dowlada iyo mucaaradka

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in ay ka xun yihiin in la sii barakiciyo, islamarkaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabada iyo sidii loo soo celin lahaa dadkii ka barakacay dalka.

Masuuliyiinta Xizbul Islaam ayaa iyana halkaas ka hadlay, iyagoona ku celiyay in ay raacsan yihiin Hay'ada Culimada Soomaaliyeed, islamarkaana halkaas ku weydiiyay Culimada waxa uga suura galay dadaaladii ay wadeen iyo saaritaankii Ciidamada shisheeye eek u sugan dalka.

Si kastaba ha'ahaatee kulankii maanta ayaa ahaa mid ku dhamaaday is afgarad buuxa waxa uuna qeyb ka yahay dadaalada lagu doonayo in lagu soo celiyo nabada dalka Soomaaliya.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: Hisbul Islami meets with Islamic Scholars

Posted: Mon Apr 06, 2009 4:49 pm
by Diyeeshaha_Tolka
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah Xubnaha sar sare ee Xisbul Islam ayaa shaaca ka qaaday arrimo fara badan oo isugu jira xaaladda dalka iyo in loo baahan yahay xilligani dagaal in lasii wado.
Indhacadde waxa uu ugu horeyn sheegay in ay jirto dad maalmahani dalka ugu soo laabtay sidii dagaallo kale ay u abaabuli lahaayeen oo Shacabka Soomaaliyeed inta ka hartay lagu sii layn lahaa.



Tusaale ahaan ayaa waxa uu u soo qaatay Indhacadde wadaad kamid ah kuwa Maxkamadaha oo caan ka ah Dalka si weynna loo yaqaano oo uu malin kala hadlay dhibaato ka dhalatay dagaal dhacay.



Waxa uu sheegay indhacadde in wadaadkaasi uu weydiiyay in ay dhaawacmeen dad kabadan 369-ruux oo isbitaallada la geeyay halka kuwa kalena aanan la geynin isaga oo weydiiyay sababta dadkaasi dhibaatada ay u soo gaartay.



Waxa uu sheegay indhacadde in uu ugu jawaabay wadaadkaasi “intii dalka aan ka maqneyn waxaad layseen 30kun ruux maxay kudhinteen” isagana wuxuu ugu jawaabay waa sida uu ku sheekeynayo Indhacadde “Haddii aan qaldannay oo aan tawbat keenay ma nalagu caynayaa mise waa nalooga mahadcelinayaa, idinkusi mawaxaad ka wadaan inta soo hartayna inaga ayaa layneyno”.

Indhacadde waxa uu sheegay in ay hadda kadib kaga dambeyn doonaan xaaladda dalka Culumaa’udiinka iyo Odayaasha Soomaaliyeed isaga oo intaasi ku daray baaq uu u jeedinayo Culumaa’udiinka iyo Odayaasha Soomaaliyeed.



Waxa uu ku baaqay in kooxaha Bastooladda wax kudilaya in la iska dhiciyo oo aanan la dhihin maalin waliba “Wadada baa qof bastoolad loogu dilay” haddii aan fiirsanno ayuu yiri dhibaato ka weyn ayaa imaaneysa, wuxuuna indhacadde intaasi uu ku daray shacabka in ay wada qaataan Bastooladda oo magaaladu ay noqoto “Nin iyo Bastoolad”.



Ninkii Magaalada ama suuqa wax kudhex dila ayuu sheegay Indhacadde in uu ku dilay dano gaar ah oo uusan kudilin islaamnimo iyo arrin kale lakin dan gaar ah ay tahay ayna haboon tahay in dadka marka ay arkaan ay isla goobta ku dilaan ninka wax dilay iyo kuwa kormeerka ah ee lasocda.