Page 1 of 1

Puntland Intelligence Service (PIS)

Posted: Mon Apr 06, 2009 7:16 pm
by Executive
Waxaa jirta sheeko qosol leh (Nuktah), oo dhexmartay Saddex Sirdoon oo kala ahaa Sirdoonka Maraykanka, Sirdoonka Israel iyo Sirdoonka Masaarida,. Saddexdan Sirdoon waxay isugu faaneen anaa kaa khatarsan iyo anigaa kaa badiya tabaha dabagalka, maalintii dambe ayaa lagu heshiiyey in nin waliba awooddiisa iyo tabta iyo xeeladaha uu adeegsado la tijaabiyo, oo la ogaado Khibradda uu u leeyahay arrimaha Sirdoonka.

Mid waliba wuxuu ku faanay magaalada uu joogo ama ka taliyo ee dalkiisa in uu god-god iyo suryo-suryo u yaqaano, wixii ka soconayana u dhuun daloolo, waxaa raggii Saddexdaa Sirdoon ka socday isla garteen in mid waliba magaalada uu sheeganayo Bakayle lagu sii daayo, ka dibna la eego muddada uu ku soo qabto Bakaylahaas.

Sirdoonka Israel waxay ku soo qabteen Bakaylihii sida qarsoodiga loogu sii daayey Tel Aviv muddo ka yar 7 saacadood, iyaga oo dhagta haya ayey keeneen Bakaylihii.

Sirdoonka Maraykanku waxay keeneen Bakaylihii lagu sii daayey Washington 24 saacadood ka dib.

Sirdoonka Masaariduna wuxuu goobtii lagu ballansanaa ee magaalada Qaahira saddex maalmood ka dib keenay Dameer ay garaacayaan, oo ay leeyihiin qiro in aad Bakayle tahay. :lol: :lol:
Inkasta oo Maanta xataa sirdoonkii Maraykanku kaba daray kan Masaarida, ogaanna kari waayey qorshihii lagu fuliyey 11 september 2001, Israel-na Xisbullaah iyo Xamaas Fashiliyeen, oo aanay iyaguna Sirdoonka Masaarida dhaamin, ayaa waxa soo baxay kuwo haddaynu barbardhigno Sirdoonadaas aan hore u soo sheegnay aan Meel kaga dhacayno, sababtoo ah ma gaadhi karaan kuwan aan ka hadlayno.

Hase ahaatee waxaa jira Sirdoonada reer galbeedku magacaabay oo ay ku shaqyastaan, sida Hay'adda lagu magacaabay Sirdoonka Puntland (PIS), oo noqotay mid aan garan karin Meel laga jiro, oo jaah wareer ku dhacay oo iska qabqabsanaya Culimada Magaalada iyo deegaanka, waxaan iyaguna ka sii daran kuwa Hargeysa oo Culimadii Masaajidadu ka baxsan waayeen. :lol: :lol:

Maanta waxa ka dhacaya Dalka Soomaaliya waa arrimo la yaab leh, oo aan hore loo arag, waa dhacdooyin murugo badan waxaana la yaab leh sida loo adeegsanayo maamulada Garoowe iyo Hargeysa, oo hadda noqday goobaha loo adeegsado sidii loo dhibi lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ay ugu horeeyaan Culimadu, waxaa la yaab leh in Maanta ay xabsiyada ka buuxaan Culimo aan waxba galabsan in ay yidhaahdaan moojaane waar Ilaahii idin abuurtay ka cabsada.

Hay'adda Sirdoonka Puntland ee PIS maaha in laga raro Boosaaso sida uu C/raxmaan Faroole Sheegay, waa in la kala diraa, sababtoo ah waxay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed loo kala fogayn lahaa, iyaga oo u adeegaya gacmo shisheeye, waxaana laga maarmaan ah in Culimada ku xidhan xabsiyada si degdeg ah looga sii daayo, xorriyaddoodiina loo soo celiyo.

Danbiyadii iyo dhagartay ka galeen shacab badan oo Soomaaliyeedna lagala xisaabtamaa.