

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud shiikh (Faroole) ayaa Maanta si Rasmi ah u dhagax Dhigay Shirkad Cusub oo la Yiraahdo Electric Power Company Shirkadaasi oo siindoonta Qaybaha Korontada Magaalada Bosaso iyadoo aysan Shirkadaha Dhinaca korontadu ku badnayn Magaalada Bosaso Ee Xarunta Ganacsiga Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland,Waxaa ka soo qayb galay Xafladii shirkadan lugu dhagaxdhigayey Masuuliyiin Farabadan oo ka kala socda Maamulka Qaybihiisa kala duwan oo ugu Horeeyo Madaxwaynaha Maamulka Puntland Iyo Golihiisa Wasiirada Maamulka degmada kan Gobolka iyo Ganacsato kale oo ka socota Shirkada Shirkada SEPCO.
Waxaa halkaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Maamulka gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinta shirkadaasi oo sheegay inay shacabka Bosaso si wayn ugu baahi qabaan Madaama shirkada korontadu wax badan oo faaido ah ay xiligan ku soo kordhinayso Magaalada Bosaso oo kulayle lagalay xiligiisii.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa ku booriyey Shiraaiga Ka howgala Magaalada Bosaso Inay sii wadaan dedaalada dheraadka ah ee ay shacabka wax ugu qabanayaan iyadoona dhankooda ay Masuuliyintan shirkada Korontadu Muujiyeen Hanaanka Shaqada shirkadaasi ee dhinaca bulshada Puntland Gaar ahaan Magaalada Bosaso.
Gebagebadii ayaa Maamulka iyo qaybaha kale ee Ganasataduba isku Macasalamayeen Jawi deganaansho iyo wada shaqayn rasmi ah oo Marwalba dhinaca SHirkada iyo Maamulka ah.
Shirkada Korontada Ee Shirkada Cusub ee SEPCO ayaa noqonaysa shirkadii 2aad ee cududeedu tahay Dhanka korontada iyadoo aysan hore u jirin Shirkado Karonto Marka laga reebo shirkada Xooga Korontada ee ENEEYE oo Dowlada Puntland ay Dekeda Magaalada Bosaso ka siiso Shidaal Foostoyin ah ka dib markii ay Xafiisyada Xarumaha dowlada Gaarsiisay Laanbadaha iftima iyo Qaboojiyaal aad u qabow Madaamada Magaalada Bosaso ay Xiliga Xagaaga ah aad u kulashahay.