Wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya ayaa bartilmaameed u noqday Kooxaha isku haaya Siyaasada, waxaana sanadkii u dambeeyay la dilay ku dhowaan 15-suxufi oo labo ka mid ah la dilay sanadkan gudihiisa.
Jaakadaha aan karin Rasaasta ayaa ah kuwo ku cusub Wariyeyaasha Soomaaliyed, waxaana jaakada BulletProof ay tahay mid ay inta badan isticmaalaan wariyeyaasha Caalamiga ee ka howl gala Dalalka Ciraaq, Afganistaan, Falastiin iyo Lubnaan, kuwaasoo iyagoo sita Jaakadaha xabadaha karin soo tabiya wararka iyo macluumaadka ee ku aadan dagaalada iyo kacdoonada ka jira halkaas.
Urur lagu magacaabo Nusoj oo ah Ururka Suxufiyiinta Qaranka ayaa bixiyay Jaakadahan aan xabadaha karin, waxaana ay qaar ka mid ah Wariyeyaasha Muqdisho ku sugan ay siiyeen Jaakado iyo Koofiyada aan xabadaha karin.
Cali Macalin Isaaq oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Nusoj ee suxufiinta qaranka soomaaliyeed oo munaasabadani ka hadlay wuxuu sheegay in saxaafadda loo gaystay dhibaato isla markaana qalabkani uusan qof bini’aadan ah wad ka bad baadinaynin.
Laakin wax badan uu ka caawinayo wariyeyaasha ka qeybgalaya soo tabinta wararka colaadaha ee goobaha lagu dagaalamayo xabadaha wiiftadana ay kaga ammaan galayaan hadii alle idmo.
Waa markii u horeysay ee qalab nuucaan oo kale ah ay helaan Wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya, iyadoona xilligan Wariyeyaashu ay heysato marxalado kala duwan oo ay ugu weyn tahay dhibaatooyinka colaadaha iyo saameynta ay ku yeeshaan, taasoo ugu wacan siyaasadaha is diidan ee aan dhamaadka laheyn.

