Ciidamo Ka Goostay Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Ciidamo Ka Goostay Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland

Post by Goljano Lion »

http://www.haatuf.net/2008files/194.html
Wararka aanu ka helayno Xarunta Madaxtooyadda Garowe ayaa wax ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxweyne ku Xigeenka Puntland ay saakay la goosteen gaari qori saaran yahay.

Gaarigigaan oo sida la sheegay ah Nooca uu saaran yahay Qoryaha Dagaalka ayaa wax uu maantay Barqanimadii gaaray degaanka Taleex oo Garowe dhanka Waqooyi kaga Beegan .

Gaarigaan oo ay saaran yihiin Tiro 9 Dhalinyaro ah oo intooda badan ahaa Ilaada Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa wararku sheegayaan in tani timid ka dib markii ay doorbideen in ay ka baxaan Nolosha Aadag oo ay ku jiraan.

Halka warar kalena sheegayaan in Goosashada Dhalinyaradaan ay timid ka dib Muran Xoog badan oo maalimihii ugu dambeeyay ka taagnaa Xarunta Madaxtooyadda oo xataa ay dhacday Dhawaan in Mar Madaxweyne Ku xigeenka loo diido in uu gudaha u galo xarunta.

Taliyaha Ciidankaan Hogaaminayey ayaa waxaa lagu sheegay in lagu magacaabo Madoobe isla markaana uu ahaa Taliyaha gaarka ah Madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali Shire.

Ciidankaan oo gaaray Taleex ayaa wax halkaas ku soo dhaweeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Taleex kaas oo sida la sheegay lagu magacaabo Col.Cali Baale.

Col.Cali Balse ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Taleex isaga oo halkaas ka waday Qorshayaal uu doonayo in uu Maamulka Soomaaliland ay gacanta ugu dhigaan degaano kale oo ka tirsan Puntland.

Laakiin Arimahaan oo jira oo dhan ayaa haddana Maamulka Faroole weli wax ay ku Mashquuleen Bosaso oo ay awoodi kari waayeen in ay xasiliyaan ka dib Markii ay soo Baxeen Hogaamiyeyaal cusub oo sheegnaya in ay iyaga ka taliyaan Bosaso
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Ciidamo Ka Goostay Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland

Post by Keyse_0208 »

A friend of mine here in London recently came back from 'Xudun' and he was telling me about the situations around there. he told me these soldiers S/land and P/land are friends who chew qaad together, and when ever they need a bit of cash they leave with a car and a couple of guns to the other side were they get money in return and vice versa... Waa meeshu waa comedy show...
lali99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1575
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:10 pm

Re: Ciidamo Ka Goostay Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland

Post by lali99 »

^^^ :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”