Page 1 of 1

Wasiirka Gaashandhiga JSL oo Lagu soo Dhoweeyay Sheffield

Posted: Sun Apr 12, 2009 7:30 am
by Suldaan_JC
Image

Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay islamrkaana lagu soo dhawaynayay wasiirka gaashaan-dhiga Somaliland md Cabdilaahi cali ibraahin ayaa kaddhacday hoyga taariikhiga ah ee lagu qabto shirarka khaaska ah eek u yaala magaalada Sheffield ee waqooyiga England 11/4/2009.

Hadaba xafladan oo ay soo qaban-qaabiyeen hawl-wadeenada Xisbiga Udub ee magaalada Sheffield ayaa ahayd mid siwayn looga soo qayb galay; waayo dad waynaha Somaliland ee degan magaalada Sheffield waxay can ku yihiin in ay soo wada dhaweeyaan madaxda qaranka iyaga oo aan u eegin xisbiga iyo siyaasada uu aaminsan yahay. Xaflada oo ahayd mid xamaasadaysan islamrkaana ay dad waynuhu aad u sugayeen ayaa ku dhamaatay si farxad leh; ka dib marku wasiirku dadwaynaha warbixin qota dheer ka siiyay guud ahaan xaalada dalka. Warbixin qoto dheer ka dib; waxa wasiirka la waydiiyay su,aalo badan oo dhamaantood ay dad waynuhu baahi wayn u qabeen inay jawaabo u helaan; hase yeeshee uu wasiirku si raali gelisay dad waynaha dhamaantood uga jawaabay.

Ugu danbayn shirkaasi wuxuu ku jawi qurux badan oo raali geliyay dhamaan wasiirka, qaban-qaabiyaashii iyo dad waynihii ka soo qayb galayba.

Sidoo kale wasiirku wuxuu beri oo 12/4/2009 ka qayb gelayaa shirwaynaha gudida fulinta ee udub UK oo ka dhacaya magaalada London ee la socosho haboon.