Madaxweyne Ku Xigeenku Waa Dambiile Inuu Yidhaahdo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Madaxweyne Ku Xigeenku Waa Dambiile Inuu Yidhaahdo

Post by Goljano Lion »

http://www.somaliland.org/2009/04/12/%E ... an-dhugad/

‘Madaxweyne Ku Xigeenku Waa Dambiile Inuu Yidhaahdo Wixii Na-Dooran Waaya Ma’aha…Ma Nabi Buu Ahaa’ Xildhibaan Dhugad

April 12th, 2009

Hargaysa (somaliland.org)- Guddoomiyaha cusub ee Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Mudane Cabdillaahi Ibraahim Xirsi [Dhugad], oo maanta qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay ayaa ugu baaqay beelaha ay dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Ceelbardaale ee u dhexeeya gobolada Gebilay iyo Awdal in ay u hogaansamaan waanwaanta nabadeed ee laga dhex wado.

Mudane Dhugad oo xilka guddoomiyaha guddida joogtada ah dhawaan kala wareegay Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabey) oo muddo dheer xilkaasi soo hayay, waxa kale oo uu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin qabashada mudaharaadada salmiga ah, isaga oo sidoo kalena ka jawaabay hadal uu dhawaan Axmed Yuusuf Yaasiin eedayn ugu soo jeediyay xildhibaanada golaha guurtida ee diiday go’aankii golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyay Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa, kaas oo golaha guurtidu meel mariyay dabayaaqadii bishii hore .

“Waxaanu baaq nabadeed u diraynaa labada beelood ee isku haysta deegaanada galbeedka, waxaanan u soo jeedinayaa in ay u hogaansamaan waanwaanta nabadeed ee laga dhex wado,” ayuu yidhi mudane Dhugad, isaga oo tilmaamay in dadka deegaankaasi wada degani ay yihiin dad walaalo ah oo inan iyo abtigiis ah.

Mudane Dhugad waxa uu farta ku fiiqay in dastuurka qaranka Somaliland si cad u damaanad qaadayo xaqa muwaadiniintu u leeyihiin in ay isugu soo baxaan mudaharaadyo salmi ah, si ay u muujiyaan dareenkooda ama cabasho ay qabaan.
“Xisbiga KULMIYE waanu aragnay Xisbigaasi Khaakhuul ma wado, Mudaharaadka Salmiga ah Adduunkaba waa Laga Dhigaa oo Distoorka ayaa ogol, laakiin haddii uu soo baxo mudaharaad yar oo xalaal ahi dee layaab ma laha loomana diidi karo, in la yidhaahdo ma dhaqdhaqaaqi kartaan taasi daw ma aha,” ayuu yidhi Mudane Dhugad.

Xildhibaan Dhugad waxa uu si kulul uga jawaabay eedayn Axmed Yuusuf Yaasiin guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB, u soo jeediyay dhawr iyo sodon xildhibaan oo diiday in muddada xilka loo kordhiyo Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisa, kadib markii ay ka dhamaatay wakhtigii hore loogu kordhiyay muddo xileedkoodii oo ku ekayd bishan April lixdeedii.

“Madaxweyne ku xigeenku wixii anaga na dooran waayaa waa dambiile inuu yidhaahdo ma aha ma Nabi buu ahaa, maxaanu ku dambaabnay sawd (cod) ayaa la isku qabtay codkiina qolaba meel ayay martay, oo waa bay ku heleene’e ninkii helay muxuu ku ooyay oo uu ku cabaaday.” Ayuu yidhi Mudane Dhugad.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Guurtidu waxa uu dardaaran u soo jeediyay ciidamada nabadgelyada Somaliland, iyo maamulka Daahir Riyaale.

“Waxa la leeyahay guryaa la galay, yaan dadka guryaha loogu gelin. askariga guryaha gelayoow foodkii baa lagu jiraa barri nin heli kursiga allaa og, ninka madaxda ah ee maanta jooga iyo ka barri helaya kala raaca waxba ma noqonayso ha kala raacina, nabada eega, kursiga maalinba ninbaa fadhiya, waxaanu leenahay dawlada dul qaata, dawlada dul qaadan waydaa waxba ma xukunto,” ayuu yidhi Mudane Dhugad.

Intaasi ka dib waxay Suxufiyiintii shirkaasi jaraa’id ka qeyb galay ay Guddoomiyaha cusub ee Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Mudane Cabdilllaahi Ibraahim Xirsi [Dhugad] ay weydiiyeen su’aalo u dhacay sidan:-

S: Guddoomiye go’aankii Golaha Guurtida ee muddo kordhinta Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisa ee aad ka mid ahayd 35-kii Mudane ee diiday, siddee ayaad u aragtaa go’aankaasi oo muran siyaasadeed dalka ka abuuray?

J: Markii fadhigii maalintaasi dhamaaday ee uu go’aan noqday ayuu Goluhu isku raacay, waxaanu idin leenahay wax dhinacayaga ku hadhay oo khaakhuul ahi ma jiro, saacadii arrintaasi dhacday ayuu islaaxayagiina caadi noqday.

S: Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu 35 kii Mudane ee muddo kordhinta diiday uu ku eedeeyay inay khaa’inul wadaniin yihiin, maxaad Arrintaasi ka leedahay?

J: Madaxweyne ku xigeenku wuxuu nagu eedeeyay waa wax aan daw ahayn, madaxweyne ku xigeenku wixii anaga na dooran waayaa waa dambiile inuu yidhaahdo ma aha ma nabi buu ahaa, maxaanu ku dambaabnay sawd (cod) ayaa la isku qabtay codkiina qolaba meel ayay martay, oo waa bay ku heleene’e ninkii helay muxuu ku ooyay oo uu ku cabaaday. waaba aanu ogol-nahay oo waanu u hanaynaye’e.

S: Xisbiga KULMIYE wuxuu ku baaqay mudaharaad, dawladuna waxay tidhi Talaabo ayaanu ka qaadaynaa oo ma ogola, dhawaana waxa jiray inay Ciidanka boolisku rasaaseeyeen Guddoomiyaha KULMIYE iyo taageereyaashiisa, arrimahaas maxaad ka leedahay?

J: Xisbiga KULMIYE waanu aragnay Xisbigaasi Khaakhuul ma wado, Mudaharaadka Salmiga ah Adduunkaba waa Laga Dhigaa oo Distoorka ayaa ogol, laakiin haddii uu soo baxo mudaharaad yar oo xalaal ahi dee layaab ma laha loomana diidi karo, in la yidhaahdo ma dhaqdhaqaaqi kartaan taasi daw ma aha.

S: Magaalada Burco oo aad adigu dhalasho ahaan ka soo jeedo, shalay waxa dhacay shir ay KULMIYE doonayeen inay ku qabtaan magaaladaasi oo Booliskii ugu galay, maxaad ka odhan lahayd?

J: Dadku marka ay wax isku qabtaan wax jira iyo wax aan jirinba waa la soo geliyaa Arrinta Burco maanta wax khaakhuul ah oo ka jiraa ma jiraan baan qabaa anigu.

S: Guddoomiye, waxa la leeyahay 35-kii Mudane ee diiday muddo kordhinta beryahan dambe iyagaa Golihii ka dhaq dhaqaaqaya oo qabsaday baddii Guddi hoosaadyadii Guurtida oo madax ka wada noqday badankoodii, Arrintaasi maxaad ka odhan lahay?

J: Arrintaa waxaan u arkaa Golaha waxa jira wakhti wakhti la isbedbedalo wax aan dhici jirini kama dhicin siddii la iskugu bedbedali jiray ayaa la iskugu bedalay Guddiyada Golaha, intii oo qudha ma ahee waa la isku shaan dheeyay oo cid waliba way ku jirtaa.

S: Guddoomiye, dhawaan waxa ka dhacday in Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Guurtida uu nin kale oo Xildhibaan Golaha Wakiilada ahi uu gacan saaray, Maxaad Guddi ahaan ka qabateen arrintaasi?

J: Hawshaasi way dhacday waxay ahayd wax dhacay, laba nin oo isku dhacay ayay noqdeen, markii ay dhacdayna waa laga heshiiyay, xaal baa laga bixiyay sidii Soomaalidu isku xurmayn jirtay ayaa looga heshiiyay.labada goleba.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
www.somaliland.org, Hargaysa

Ciisa muse should get rid of this imbecil fooxleh, he is a disgrace to the Danyeer kingdom and should be shot, what a dum[b lax
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: Madaxweyne Ku Xigeenku Waa Dambiile Inuu Yidhaahdo

Post by salafi_student »

Hello goljano.... how are you friend?

My family actually know the Vice Press, and I was told he is a good guy and deserves to be press. What do you think?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”