Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Post by Adan_1 »

“Xaajiga (Cabdi-waraabe) iyo Ina Sulub waxaan leeyahay isku Maryo-alool ayeynu ahayne iminka waxay cid kale u sheeganayaan garanmaayo, kolkaa Maryo-aloolkii dee inuu isku soo noqdo maaha.”

“Waxaan inyar ka odhanayaa wixii aan ka soo gaadhay labada Suldaan ee ugu isirka badan ee ku abtirsada suldaan hebel, suldaan hebel, suldaan hebel, anigu labadii Suldaan ee Sul. Cabdillaahi iyo Sul. Cabdiraxmaan labadaba Alle ha u naxariistee waan soo gaadhay. Sul. Cabdillaahi waxay is hayeen dawladdii Ingiriiska oo ilaa heer wuxuu gaadhay uu yidhaa cashuur bixinmayno, Sul. Cabdiraxmaan makhaayad muu horfadhiisan jirin oo sharaftiisa ayuu ilaalin jiray, haddaba maanta dhaxalkoodii maxay noqdeen? Waxay noqdeen halkee shaadali lagu karinayaa rag leh. Waxaan leeyahay sharafta labada reer way ka wayn tahay siday u hadlayaan iyo dadka maanta hayaba, sicir-bararka salaadiinta maxaa keenay? Iyagaa keenay oo hanan waayey wixii aabayaashood uga dhinteen.”
Image



Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)


“SNM wixii ay soo martay waa la ogaa, ragga maanta ka hadhay wixii ka qaybsaday raggii ay ka qabsadeen waa la ogyahay waxaana ugu wacnaa raggii soo galay dalka aannu ka midka ahayn oo la ambaday arrinkii, waxa ka gaadhay wax aan tii hore ka gaadhin oo ka xun, haddana waxa Ilaahay Mahadii ah haddii uu shacbigii ogaaday inay tani tahay ta kharibtay dalka. Dadweynaha waxaan kula talinayaa waa la idin arbushayaa oo la idinka xumaynayaa xukunkii baa ka wareegay UDUB, annaga ayaa ka mid ahayn raggii dhisay waxaannu moodaynay meel miyirqabta oo dawlad noqota ee waxaannu u galnay meel bahal ah, waxaannu u galnay waxaan xishoonayn oo waxaan madaxi xunin xunaya, waxaannu u galnay madaxweyne siduu u sii roorayey adhigii isku qaaday, waa waxaan madaxi cuni jirin maanta ayey u horreysaa ninka dunida oo dhan haysta ee xayntii adhiga odaygii iyo adhigii ka qaaday ee u soo kiraystay niman carbeed oo badda uga iibiya iyo niman soomaaliyeed oo saylada uga iibiya. Waxyeelada dalka loo geystay la idiinka warami maayo waxase Ilaahay mahadii ah haddii dadweynihii ogaaday in wuxuu meesha ku hayey bahalo ahaayeen,” ayuu yidhi Md. Dhugad

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”