Finance Minister:Connected to a tv channel from Hargeisa!!!

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

reer_boqor
Posts: 132
Joined: Wed Mar 26, 2008 9:41 am

Finance Minister:Connected to a tv channel from Hargeisa!!!

Post by reer_boqor »

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire ayaa wax uu markii ugu horeysay tan iyo intii uu wasaaradda qabtay ku guuleystay arimo fara badan gaar ahaan Horumarinta dhalinyaradda Warbaahinta Jecel oo ay isku beesha yihiin.

Waxaa uu wasiirka ku guuleystay xiriir uu la sameeyay Tvga Horn Cable ee Hargeysia in uu xafiiska wasaaraddiisa wararka looga diro gaar ahaan wararka lagu Amaanayo wasaaradda Maaliyadda keliya.

Horey wasiirka wax uu u lahaa web loogu magac daray bosasomedia kaas oo ay qoryaal ka yihiin dhalinyaro jecel warbaahinta kuwaas oo haatana uu u suurta gashay in ay wararka u diraan Tvga Horn Cable ee Hargeysia.

Arintaan xiriirka Tvga Horn Cable ayaa timid ka dib markii uu Wasiirka cabsi weyn ka muujiyey Rajada uu ka qabo in uu Puntland sii joogo ka dib markii warbaahinta Puntland ay soo bandhigeen Cabshooyin fara badan oo ka soo baxayey Waalidiinta ku nool Garowe iyo Bosaso kuwaas oo ka cabanayey Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire in uu Caruurtoodii gaar ahaan Hablihii yar yaraa u horseeday Alle ka fogaansho.

Karkaarnews oo soo bandhigtay qoraalo hore ayaa waxaa sidoo kale taasi keentay in Wasiirka uu Xiriir la sameysto warbaahin ka baxsan Puntland.

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa wax ay sheegeen in Xarunta Tvga ee laga hirgeliyay Xafiiska Wasiirka ay tahay mid ay doonayaan in ay haatan Tilaabo ka qaadaan.

Masuul sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa wax uu sheegay in ay weli wadaan qorshayaal ay doonayaan in ay ku xiraan Xafiiska laga dhex furay Wasaaradda Maaliyadda ee wararka u dira Tvga Hargeysa laga leeyahay.

Sida laga warqabo Jamhuuriyada la baxday Somaliland wax ay horey u joojisay Suxufiyiinta wararka u soo dira Warbaahinta ku taal Puntland, Balse waxaa isweydiin Mudan Wasiirka Maaliyadda Puntland ma sharaf ayuu mooday in dhalinyaro jecel Saxaafadda uu Xafiis uga furo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”