Ergooy Garxajis oo heshiisinaya Reer Xareed (HA) & Reer Nuur
Posted: Thu Apr 16, 2009 9:17 am
Ergooyin Culus oo ka Socda Beelaha Garxajis oo u Ambabaxay Deegaaanka Ceel Bardaalle PDF | Print | E-mail
Wednesday, 15 April 2009
Hargeysa/Sallaxleynews-Wefti culus oo ka socda Beelaha Garxajis oo ergo nabadeed ah ayaa shalay galinkii dambe ka ambobaxay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ujeedada socdaalkiisu laxidhiidho hawlaha gurmad ee loogujiro in nabad lagaga dhex dhaliyo beelihii dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Ceelbardaale.
Weftiga ayaa hawshiisa ka bilaabay xarunta gobolka Gabiley ee Gabiley una sii dhaafi doona jiidaha hore ee dhawaan shaqaaqadu ka dhacday.
Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir isla markaana ah gudoomiye kuxigeenka golaha guud ee fulinta Beelaha ciigale ayaa waraysi uu xalayto siiyay Shabakadda Wararka ee Sallaxleynews.com ku sheegay in wefti ballaadhan oo ka kooban beelaha Garxajis oo ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed Xasan iyo Cheif Caaqil Cabdiweli Jaamac Cabdi ay jiidahaa u tageen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ergadda dhexdhexaadinta ah ee loogu jiro sidii nabad waarta looga dhex dhalin lahaa labadaa Beelood ee Walaalaha ah. waxa kale oo Cheif Caaqil Rashiid Maxamed jaambiir intaa kudaray in Weftiga Ergadda ahi ay deegaankaa ku sugnaan doonaan ilaa iyo inta xal nabadeed oo waara lagu dhamayn lahaa arrinta beelahaasi.
Ambabaxa Weftigan ayaa ka dambeeyay kulamo Maalmihii ugu dambeeyay magaalada HArgeysa uga socday Beelaha Garxajis iyadoo Cheif/Caaqil Rashiid Xusay in Beelaha Dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Bardaalle ay ahaayeen Kuwii ka qayb qaatay Nabadayntii Beelaha Garxajis markii ay xurguftu ku dhex martay deegaanka Daroor ee Killilka 5aad ee Itoobiya, sidaa daraadeedna annaguna Maanta haddaanu nahay beelaha Garxajis aanu samayno gurmadkii nabadeed ee ay sameeyeen mid la mid ah. "2:30 galabnimo ee maanta (Shalay) waxa magaalada HArgeysa ka ambabaxay Wefti culus oo ka kooban 14 Xubnood oo ka tirsan Beelaha Garxajis, kuwaasi oo ku socda Ergo nabad doon ah, oo waanwaan nabadeed u tegey shaqaaqadii dhawaan ka dhacday beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobollada Gabiley iyo Awdal". ayuuyidhi Cheif Caaqil Rashiid Jaambiir, waxaanu intaa raaciyay "waxa hore ergo nabadeed halkaa ku tegey Wefti ka socda beelaha Ciidagale, Weftigan maantuna waxa uu isugu jiraa Beelaha Garxajis oo 7 Xubnoodna yihiin Beelaha Ciidagale, 7da kalena Habar yoonis".
Waxa kale oo Chief/Caaqil Rashiid M. Jaambiir uu intaasi kudaray in Weftigan ay ka daba tegi doonaan Weftiyo kale oo iyaguna ka socda beelaha Gobolka Hargeysa oo iyaguna ka qayb qaadan doona Ergadaa nabadeed.
labadan Beelood ayaa tiraba dhowr jeer xurgufi ku dhex martay deegaanada u dhexeeya Awdal iyo Gabiley, taasi oo sababta ugu weyna loo nisbaynayo Muran dhinaca deegaanka ah oo labadan dhinac wada degaan, oo isugu jira dhul daaqsimeedka xoolaha iyo deeganaka lamanaafacaadsado.
Horena waxa jiidahaa ku tegey Madax dhaqameedyo ka kooban Beelaha somaliland oo iska xil saaray Heshisiinta labadaasi beelood, waxa kale oo aan iyaguna ka madhnayn Ergooyinkaa Madaxda Xukuumadda Somaliland. waxaana Ergooyinkaa faraha badan ee isaga daba tegey ka go'an inay ku sugnaadaan halkaasi ilaa Xal nabadeed oo waara la kala dhex dhigo beelahaasi, si aanay waxba uga soonoqon.
Sallaxleynews Desk
Hargeysa, Somaliland