Maamulka Islaamiga ah ee Xoogaga Al-Shabaab ay ka sameeyeen gobolka Sh/hoose ayaa magaalada Marka ee xarunta gobolkaai ka bilaabay maalintii shalay howlgalo lagu qabqabanayo dameeraha kaasoo maalintii labaadna soconaya sida uu sheegay madaxa arimaha bulshada ee maamulkaasi Xuseen Xaaji Cabdi Aw-gaab oo la hadlayey warbaahinta.
Awgaab ayaa nintaa ku daray in howlgalka looga qabqabanayo dameeraha magaalada Marka oo ay fulinayaan ciidamada maamalka Al-Shabaab uu ka dambeeyey ka gadaal markii ay mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii kordheen dhibaatooyinka ay dameeruhu ku hayaan nadaafada iyo dadka magaalada, isla markaana ay cabashooyin badan ka soo yeereen dadweynaha taasoo uu sheegay iney sababtay iney wax ka qabtaan.
“Dameeraha waxaa iska leh dad magaalada wax ka degan oo u keensaday iney u tarmaan si ay ugu tarmaan si ay dib ugu iibsadaan oo lacago badan uga helaan, mana doonayaan iney qarash iska geliyaan, sida iney cows iyo waxyaabaha uu abahan yahay u iibiyaan, sidaa awgeed waxay ku sii daayaan magaalada iyagoo daaqaya goobaha qashinka iyo suuqyada, waxayna dhibaatooyin badan u geysteen caruur iyo dad waayeel ah oo xubnaha qaar ee jirkooda ay ka jejebiyeen dameerahaaasi oo mararka qaarkood is eryanaya, waxaana ay ku saxaroodaan wadooyinka magaalada iyo meel walba” ayuu yiri Awgaab oo intaa ku daray in illaa hadda ay soo qabqabteen in ka badan 30 dameer welina uu socdo howlgalka dameeraha lagu soo qabqabanayo.
Madaxa arimaha bulshada ee maamulkaasi Xuseen Xaaji Cabdi Aw-gaab ayaa sidoo kale sheegay in dameeraahaasi ay geeyeen meel mooro ah oo ay ugu talo galeen ka maamul ahaan, wuxuuna sheegay in dadkii lahaa qaarkood ay u yimaadeen kuna wareejiyaan kuwaaasoo aanu u sheegnay ayuu yiri ineysan mar dame dameeraha wadooyinka u soo fasixi karin oo ay ku xareystaan meelo lagu xanaaneyo haddii ay amarkaa jebiyaana talaabo ka qaadi doonaan, sidoo kale waxaa uu sheegay iney xitaa qabqabteen dameeraha lagu shaqeysto qaarkood oo uu sheegay in dadka adeegsada ay jirkooda ka sameysteen meel boog ah oo marka ay doonayaan inuu dameerku aad u socdo ama cararao ay usha kaga damqiyaan taasoo uu sheegay iney tahay mid ka baxsan xuquuqda xaywaanka ilaa uu ka bogsadana uma fasaxno qofkii lahaa ayuu yiri xuseen Awgaab.
Alshabaab Arrested 30 Dameer In Marka
Moderator: Moderators
Re: Alshabaab Arrested 30 Dameer In Marka
that is really funny. Alshabaaba now is running out qubrahii ay dumin jireen, so now they turning thier attention to dameeraha which is # transportation in marka
-
Minneapolis Mayor
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3576
- Joined: Sun Jul 27, 2008 5:22 pm
Re: Alshabaab Arrested 30 Dameer In Marka
Wallaahi alshabaab have too many task on their hands. I am sure some of those soldiers are foreign fightes who came to fight for fisabiililaah. Why make them arrest donkeys? I saw one time the soldiers cutting trees from the streets of mogadishu. Mukhtar roobow yaa dadka kaqabto.
Re: Alshabaab Arrested 30 Dameer In Marka
Re: Alshabaab Arrested 30 Dameer In Marka
Shabab
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 17 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 8 Replies
- 868 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 1149 Views
-
Last post by igotkatzngingersnapz
-
- 6 Replies
- 816 Views
-
Last post by MRnutritionist
-
- 2 Replies
- 438 Views
-
Last post by original dervish
-
- 2 Replies
- 538 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 6 Replies
- 2005 Views
-
Last post by thehappyone
-
- 9 Replies
- 1514 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 6 Replies
- 630 Views
-
Last post by Hyperactive

