Laba Beelood oo Isko Horimaad Ku dhex Maray Meel 30km Waqooyi Kaga Beegan Degaanka Oog
Oog (BuraoOnline) 19.04.09 Wararka Nooga Imanaya Degaanka Oog aya sheegaya inay Laba beelod Isko Horimaad yari ku dhexmaray Todobaadki ina soo dhaafay halkaas oo ay aanay cidina wax ku noqon, laakin siday wararko sheegayaan Laba Ciidan beelod aya isko horfadhiya Meel 30km Waqooyi kaga beegan Magaalada Oog.
Beelo ka soo jeeda Degaanka Bohol aya damcay Inay Baraago iyo Ceelal ka Qotaan degaano cusub oo 30km uu Jira magaalada Oog, Marki ay Ka Bilaaben inay Baraago ka Qotaan Degaankan cusub aya waxa markiba ku Gacansaydhay Beelaha ka soo Jeeda Degaanka Oog, oo Ciidamo Beleedyo soo dhoobtay isla Goobta Baraago laga qodanayay, Halkaas waxa ku dhex maray isko Horimaad, Inkasta oo tacshiirado halkaasi la isku waydaarsaday aanay cidina waxba ku noqon, haddana arrintaasi waxay abuurtay xaasaasiyad wayn oo dareen kala gelisay dadka deegaankaasi wada dega.
Odayaasha, Cuqaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankaasi ayaa gurmad wayn ka galay deminta xiisadaasi, kuwaasi oo haatana gacanta ku haya arrintaasi, waxaana wax laga saarayaa maamulka gobolka iyo ka degmada Caynaba iyo waliba Wasiirro ka tirsan maamulka wakhtigiisu dhamaaday ee Riyaale.
Dhinaca kale waxa si cad u muuqda in Daahir Riyaale iyo kooxdiisu’aanay wax dedaal ah ka gelin shaqaaqooyinkaasi ka dhacay deegaanada Ceel-bardaale iyo Oog. Dhacdooyinkan kala qaybinta iyo iska horkeenka qabaa’ilka ayaa ah kuwo laga dhaxlay nidaamkii kali taliska ahaa ee Siyaad Barre oo cimrigiisii ku dhamaystay dagaalo sokeeye oo uu hubka isugu dhiibay qabiiladii Soomaaliya wada degenaa, taas oo ilaa hadda raadkeedii ka sii qoyan yahay foonfurta Soomaaliya. Kuwaasi oo aakhirkii galaaftay kali taliyihii Siyaad Barre kadib markii ay dadku fahmeen in meel qudha hubka laga soo wada siiyo.
http://www.buraoonline.tk/
Laba Beelood oo Isko Horimaad Ku dhex Maray....
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Laba Beelood oo Isko Horimaad Ku dhex Maray....
Cali Barre wont have that bullshid, some minority Gypsies from the village Bohol trying to plant some Qamandi near Oog 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 442 Views
-
Last post by kambuli
-
- 0 Replies
- 440 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 1 Replies
- 486 Views
-
Last post by mahoka
-
- 4 Replies
- 385 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 27 Replies
- 1658 Views
-
Last post by vangandi
-
- 0 Replies
- 496 Views
-
Last post by zingii
-
- 22 Replies
- 1426 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 403 Views
-
Last post by SanaagLion
-
- 5 Replies
- 530 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 55 Replies
- 3242 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
