Dhammaan Jaalliyadda ku nool dalka Uk gaar ahaan magaalada London waxaa lagu wargelinayaa in ay taageero buuxda siiyaan inankooda Soomaliyeed ee nasiibka u yeeshay in uu ka ciyaaro garoonka weyn ee kooxda Arsenal ee Emirates Stadium.
Abdisalam waxaan u rajaynaynaa in uu guula la taaban karo ka soo hooyo tartankaasi ay kooxdiisa la yeelanayso kooxda Arsanel. Abdisalam Ibrahim wuxuu sitaa lamabar 8aad maalinimada arbacada ah, wuxuuna ku jiraa 11ka bilaabaya ciyaarta, waana midfielderka kooxda Manchester City. Waxaan u hambalyeynaynaa Abdisalaam iyo qoyskiisa reer Caddaay guusha ay ka gaareen Kubadda cagta.
Qof walbow maalintaasi ku taageer codkaaga si loo helo dhalinyaro kale oo ku dayata Abdisalaam Caddaay.



