J: Waxyaabo badan baa isku beegmay ee madaxweyne ku xigeenku markuu sii tagay wuxuu si yidhi islaamka ha lagu dhaqmo oo sharciyadi hala sameeyo iyo wax caynkaas ah, islaamka ma shalay uu xusuustay, maxaa isku begaydii bay kuso noqonaysaa, toddobadi sanadood ee u fadhiyey muxu islaam uga hadli waayey, maxaa imika keenay, horta ninkii Djibouti tagaaba shakigiisa ayuu leeyahay waayo Djibouti noqotay meel dhibaatadeenu ka kow tahay waxay ka shaqeeyaan, bililaqaysi ayey ku jiraan, xoolaheeni waa ta loo raray, ilaahay cudur buuse ku sahday oo shan markab oo xoolo ah baa ka khasaaray, xataa iddi bay qaadeen oo ciid kale dhigeen, haddana xoolihii way bukoonayaan, waxaaba hadda socota in xoolaha halkoodii lagu soo celiyo, waana ayanak dadkani leeyahay.
Markaa tegistiisu (madxweyne ku xigeenka) inkastoo isagu wixii loo diro uun nin ku soconaya yahay, tallana kuma laha oo marka la doono naga aamus baa lagu yidhaahdaa.
S: Markaa ma waxay ahayd markii aad golaha wasiirada ku jirtay?
J: Maya dhawaan raggii wada hadalka la galay baa nool markii uu ooyayey, kelmad buu yidhi aanan xasuusnayn, markaasu Riyaale yidhi dadku waxay I waydiiyaan xagee baad ka soo qaadatay ninkan, isagii oo taagan buu sidaas ku leeyahay, waxay ahayd inuu yidhaahdo halkii Cigaal kaa keenay baad iga soo qaadatay, kuma dhaco, sida runta ahna nin jira maaha ee wax loo diro uun buu soo qabtaa.

S: Wakhtigii golaha wasiirada ku jirtay waxa la yidhaahdaa cawil oo kale, wax buu qorqoraa, oo buugaag buu diyaariyaa, ma jirtay arrintaasi?
J: Horta Cawil buug hore ayuu qoray oo ah kii siillaanyo mucjisada ku sheegay, laakiin cawil cidiba rumaysan mayso, oo jaamac yare waa kii yidhi waa beenaale.
http://www.haatuf.net/2008files/315.html