Apr 23, 2009(GMN) Shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay laguna qabtay magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa waxaa ka soo qayb galay culumaa u diin, wax garad aqoonyahan,dhalinyaro,siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulashada.
Abaabulayaasha kulankan oo ahaa culumada ehlasuna waljameecee ee deegaamada Gedo,Cabudwaaq,Kismayo,iyo Balanbale, ayaa waxa ay ujeedka kulankan ku tilmaameen in ay ku taageerayaan hananka looga hor imaanayo koox diimedka Al-shabab oo diinta si qaldan bulshada ugu adesaday.
Waxa ay culumadani kooxda qawaarijtaa ku tilmameen kuwo dadka ka weeciyay wadadii uu allah u tilammay subane nabaigeenana noo jideeyay,waxayna kulanka dadkii ka soo qayb galay u soo bandhigeen howlaha ay ehlusuna ka wadaan degaaamadaasi iyo guulaha laga gaaray qaar halka kuwo kala ay muujiyeen in lagu guda jiro.
Amaan iyo bogaadin ayay u mariyeen culumada ehelasuna ee dunida dacaladeeda iyo shacabka qaadiriya oo ay ku tilmameen kuwo u soo jeesteey difaaca diintooda.
Waxa halkaasi laga aqriyay muxaadarooyin aad u xeel dheer oo dadka quluubtooda soo jiitay,ayaga oo ugu baaqay dadka somaliyeed in ay bartaan diinta si ay uga bad baadan hagar daamada qawarijta.
Qar kamid ah culumada ayaa wacad ku maray in ay ka qayb qaadanayaan hananka nabada Somalia iyo in shareecada aan lagu been abuuran,ayaga oo ugu baqay somalida in ay tageeraan culumada,si deegamada laga barakicyay ay dib ugu noqdaan.
Waxaa wax laga naxaa tacadiyada loogaysano dadka islaamka waxan ka xunahay dilalaka sharci daradaa,waxan ka xunahay tilamaha qaldan ee sharecad alaga bixiyay sida dhagaxa lagu dilay inanyar,qabuuraha la fagayo,dadka la ugaarsanoyo,handadaada,iyo falaka aysan diintu ogaoleeyn oo ay kooxdani la soo shaacbaxeen,shacabkana xaqbay u leeyihiin in ay si difacaan.
Waxaa shirka ka hadlay culumo ay ka mid yihiin.
Ahmed Huse Warsame
Sheikh C/qadir Xashi
Sheekh Maxud Macalin Xasan
Sheekh Mustafe C/laahi Bulxan
Dadweynaha.
Daahir faarax Maxed
Maxed Nuur Ali
Iyo kuwo kale oo aad u badan,waxa dhankooda ka hadlay xildhibaano iyo ganacsato,waxayna dhamaan ugu baaqeen dadka deegamadaasi in ay tageeraan culumada ehelasuna gar ahaan kuwa iminka ku sugan deleedka Baardheere iyo B/xaawo,oo ka soo gadooday dilala fool xun oo culumo iyo dadweynaba loogu gaystay magalooyinka Garbahareey,Baardheere,iyo Kismaayo.
Kulankan oo jawi aad u macan ku soconayay ayaa qodbiiyinka xiisaha leh waxay dhamaan ka tarjumayeen tacadiyada alshabab dadka ugu geeystay deegamadaasi iyo sida loogu bahanyahay in dadka deegamadaasi ay nabad ugu noolaankaraan.
Sharmaake Muxumed Naasir
Nairobi Kenya
Gedoonlinenews@gmail.com
Editor_gedoonline@yahoo.com
http://www.gedoonline.com/?p=90



