Burco(Togdhnews)-Taliayaha booliska Somaliland Col. Maxamed Saqandhi Dubad ayaa maanta fadeexadii ugu waynayd ka sameeyay magaalada
Burco,ka dib markii uu sheegay inuu laba taliye qaybood u magacaabay Qaybta Booliska ee G/togdheer.
Labadan taliye qaybeed ee Col.Saqandhi ayaa magaacabay ayaa lakala yidhaahdaa Mr.Cabdi Xandule oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee Q/Booliska burco,kaasoo loo magacaabay taliyaha qaybta galbeedka Burco,kaasoo ay hoos tagi doonaan laba saldhig ee galbeedku,Iyo Yuusuf cabdi haaruun oo noqondoona Taliyaha Q/Bariga,ayna hoos tagidoonaan labada saldhig boolis ee bariga.
Talaabadan oo ah markii u horeysay ee nooceeda oo kale laga sameeyo Burco ayaa odayaasha iyo waxgaradka Burco ku tilmaameen wax laga naxo,oo laga amakaago,Islamrkaana ay hordhac u tahay kala qaybinta iyo kala fogeynta Bulshada Magaalada.
Col.Saqandhi oo xalay fiidkii soo gaadhay Burco,iskuna soo beegay maalin jimce ah oo dadku fasax yihiin ayaa markii uu arintan fadeexada ku noqotay ku dhawaaqay dib ugu laabatay hargaysa,isagoo ku wargaliayay arintan Ciidanka booliska Burco,balse dadweynuhu ka war haleen galinkii dambe ee maanta.
Deg-deg u noqoshadan taliyaha ayaa lagu macneeyay inay tahay isagoo fahansan dareenka adage e bulshadu ka bixindoonto arintan may ogaato,sidaas awgeed uu dib ugu laabtay markiiba.
Odayaasha iyo waxgardka magaalada ayaa la sheegay inay isugu imandoonaan kulamo degdeg ah oo ay akaga arinsanayaan hawshan soo korodhay.
TogdheerNews..Burco
Burco:Taliyaha Booliska Somalilnd iyo Fadeexadii ugu Weynayd
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 961 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 12 Replies
- 1070 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 649 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 12 Replies
- 2481 Views
-
Last post by Ismahan445
-
- 0 Replies
- 500 Views
-
Last post by Erigavo-Man
-
- 0 Replies
- 514 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 333 Views
-
Last post by STOP!
-
- 0 Replies
- 498 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 16 Replies
- 2487 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 1010 Views
-
Last post by DayrBare
