Justice Minister"People should defend their religion"

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Justice Minister"People should defend their religion"

Post by Addoow »

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) ayaa si kulul uga hadlay mowqifka Kooxda Alshabaab ay ka qaadatay Go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isagoona ku eedeeyay Alshabaab in aysan wax mabda' laheyn.

Isagoo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho wax yar kadib markii Afhayeenka Maamulka Islaamiga Kismaayo uu qaadacay go'aankii Baarlamaanka ayuu sheegay in mowqifka Alshabaab uu iska cad yahay, isagoona ku tilmaamay Shabaab kuwa iyagu moodaya inay keligood Islaam yihiin.

"Mowqifka Alshabaab waa iska cad yahay waa dad isu heysta inay keligood Islaam yihiin, dadka kale waa u Gaalo, marka nimankaas wax aan isugu nimaano meesha kumaba jirto"ayuu yiri Sheekh Janaqow oo si adag u difaacay go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in Shareecada Islaamka ay tahay naseexo, waxaana uu sheegay in Diinta tahay diin nabad iyo bad baado leh, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay diintooda ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray kooxo diinlaawayaal ah.
Kooxda Mayalka adag ee Alshabaab oo ah Kooxda ugu tunka weyn Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa gacanta ku haaya Gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyagoona si cad uga soo horjeestay Go'aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka, waxaana go'aankaas ku sheegeen mid lagi qiyaameynayo shacabka Soomaaliyed.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”