Deeqaay haldhaa baa tihiyo, dumar horyaalkiiye
Halkaraan waxaa tahay gabdhaha, heybad qurux dheere
Waxaa tahay halbeeg heer-sariyo, bilicda hoobaane
Hannaankiyo asluubtaad dhammaan, kaga horreysaaye.
Ku hubeysnid sharaftii haween, ugu habbooneyde
Tinta higilka heensaha dagtiyo, halawgu muuqaale
Inteey heerba-heer beegsataa, hirar la moodaaye
Cod haloosiyaad leedahoon, laabta hurineyne.
Dhagtu hadal-macaankaaga wey, u hambalyeeysaaye
Aduu kugu hadaaqaa wadnaha, haabtay rubaddiiye
Hammuun buu qalbigu kuu qabaa, hiirti dhalataaye
Heesaha waxaan kuu curshaa, goor dadku hurdaaye.
Halyeey Ina-Garaad baa tohoon, hoos u dhicin jeere
Waxaa tahay hillaac-nuurayaay, heykal-dahabeede
Adaa mudan wax hawraarta gabay, loo halceliyaaye
Deeqaay naftaan kuu hibeyn, kuu haddiyadeyne.
Huddooneey sidaan kuu jeclahay, kuugu qiray heese
Adiguna halkaan kaaga yaal, waa wax la hubaaye
Hadallada sarbeebtiyo murtidaad, hooga-dhilataaye
Aniguna horseedkii raggiyo, hawlkar baan ahay'e.
Hadh dharaar Hibooy jiif ma lada, Deeqahodaneeye
Habeenkina malaan kula hurdaa, hooda-badaneeye
Maanku heegaan weeyaan, aduu kuu hanweyn yahay'e
Hareeraha waxaan kaa dayaa, leyl habeensaday'e.
Hadaaftimo dartaa baan u tagi, Haada iyo Soole
Sarmaanyaan Habboon kuugu tumi, heello iyo jiibe
Haaraha Sanaag baan gacalo, kaaga dhigi hooy'e
Taallaan xubbii kuu hergalin, lama-hilmaamaane.
Harbooliyo Hargaantaan ku geyn, oon hunfi laheyne
Hoohoob bislaataad dhaxtagi, hawd caleen badane
Hambashiyo mankoo dheelayaad, Luul la hawlgaliye
Hindisaha kalgacalkaan markaa, heeso kuu tabin'e.
Haarcad iyo Hargeellaan ku bari, huunno quruxdoode
Haarweyn dalxiis waad u tagi, haraha Doolloode
Hadhuudhkii Godey bey indhuhu, ku hodmi doonaane
Hilka Wabi-Cillaan baad sidii, hogol ku daanshoone.
Hiloowgiyo daltabadaa ku deyn, heesha Dhagaxbuure
Harraadkuna Bullaaluu ku hari, halacsigiisiiye
Harar iyo Jigjigo waa dhulaad, ka haqabbeeshaaye
Hodan beynu nahay Gaaris waa, lamahuraantiiye.
Habsaneey Wajeer baad xornimo, hagac ku laafyoone
Madheeroo intuu ubax hambulay, heelba tahay heele
Higlihii Ijaaraad harsani, hoos qaboow badane
Hab-Qureeshileeyeey Nasrooy, kuu hormarayaaye.
Qof gobaa abaal hiiliyoon, abid halleyneyne
Haldoor dheeman luuleey, anaad iga heleysaaye
Hinaasaha haween baan dhammaan, had iyo jeer noole
Hiyi-caashaq oon gabadh la fura, waa ka habarteede.
Garaadyahay middaan heybiyee, aan helaa tahaye
Ma hungoobin barashadaan habnoo, hubanti weeyaane
Hanti weeya caashaqu markuu, heerkan marayaaye
Haakaalle Eebboow lib iyo, hanasho waa guure
Somali Luv Poem
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Re: Somali Luv Poem




Re: Somali Luv Poem
Baby girl. it's lame till some one explain to yo exact meaning of it.Babygirl- wrote:![]()
![]()
Shukansi in Somali is lame...
who can beat this lines
Dhagtu hadal-macaankaaga wey, u hambalyeeysaaye
Aduu kugu hadaaqaa wadnaha, haabtay rubaddiiye
Hammuun buu qalbigu kuu qabaa, hiirti dhalataaye
Heesaha waxaan kuu curshaa, goor dadku hurdaaye.
- SummerRain
- SomaliNet Super
- Posts: 17320
- Joined: Tue May 08, 2007 11:41 am
Re: Somali Luv Poem
THat brought tears to my eyes.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8904
- Joined: Mon Apr 09, 2007 11:48 am
Re: Somali Luv Poem
I did try to read that, I really did....
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 660 Views
-
Last post by wadaniweyn1
-
- 9 Replies
- 780 Views
-
Last post by Ladie_x
-
- 1 Replies
- 501 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 362 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 2 Replies
- 685 Views
-
Last post by zingii
-
- 32 Replies
- 2184 Views
-
Last post by ukqueen21
-
- 12 Replies
- 1031 Views
-
Last post by COSTA
-
- 19 Replies
- 1153 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by Twist
-
- 1 Replies
- 798 Views
-
Last post by Methylamine