“Adeer Dhugadoow Ma Anigii Baad iga Bilowday” Siciid Sulub

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

“Adeer Dhugadoow Ma Anigii Baad iga Bilowday” Siciid Sulub

Post by Adan_1 »

Hargeysa (SLI)- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta ayaa ka baaqsaday kulan ay ku balansanayeen Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, kuwaasoo ka dalbaday Wasiirka inuu xog-waran ka siiyo hawlaha shaqo ee ay Wasaaradiisa qabato, su’aalana ka waydiiyaan Dhulka danta guud ee ay dawlada iibisay, kaasoo ku yaala xaafada Hindia Line-ka.

Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waxay ka dalbadeen Wasiirka inuu horyimaado si uu xog-waran uga siiyo arrimahaas, hase yeeshee Wasiirku waa uu ka meer-meeray hor-imaatinka guddida joogta ah, isaga oo balamo aan qabsoomin u qaaday.

Maanta ayay ahayd markii ay Guddida joogtada ahi balantii kama dambaysta ahayd ee ay la lahaayeen ugu tageen Wasiirka Xafiiskiisa, iyaga oo ka hor-tagayay sida ay sheegeen inuu ugu iman waayo Golahooda. Balse Wasiirku kamuu soo daahirin xafiiska iyo hawl-maalmeedkii shaqo ee uu Qaranka u hayay.
Arrintan ayaa keentay in Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) uu ka dalbado Xoghaynta Wasiirka inuu Telefookiisa uga garaacdo.

Intaa Ka dib Maxaa Dhacay:

“Wasiir Waa Dhugad (Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah ee G. Guurtida), waxaanu joognaa xafiiskaagii ee kumee?”
Wasiirka Hawlaha Guud ayaa ku jawaabay: “Waxaan ku maqanahay Hoteel Maansoor oo aan Qolo ajaanib ah oo iga soo dul-dhacay kula kulansanahay, ee Adeer Dhugadoow ma Anigii baad iga bilowday.”

Md. Dhugad, ayaa ugu jawaabay Wasiirka; “Adeer kaamaan bilaabin, ee waxaan gudanaynaa waajibaadkayagii shaqo, ee sharcigu noo jideeyay.”

Aniga iyo Dhawr suxufi oo kale oo la socday Guddida joogtada ah ayaa dareenkayaga dhegta oo la shaqaynayay hadalada ay Telefoonka iska waydaarsanayaan Gudoomiyaha Guddida joogtada ah iyo Wasiirku ay nagu abuurtay kelmed ka mid ahi mid aan u qalmin anshaxa Wasiirnimo, taasi oo ahayd Adeer Dhugadoow ma Anigaad iga bilawday.
Runtii waa kelmed dhadhan kale u yeelaysa hawl-maalmeedka shaqo ee ay guddida joogtada ahi sida sharciga ah u gudanayso, kana dhigayso mid aan xaqba loogu lahayn inay Wasiirka u yeedhaan.

Balse Gudoomiyaha Guddida joogtada ah oo ka jawaabayay su’aalo ay la boobeen Suxufiyiintii ku wehelinayay kormeerkooda oo aan ka mid ahaa ayaa waxa ay u dhaceen sidan: -


S: Maxaad Telefoonka iska tidhaahdeen iminka Wasiirka, waakanoo wuu idiin gooyayee?

J: Wasiirku wuu nala balamay, markii aanu xafiiskiisa nimi waydinkaa arkaayo shir baan ku jiraa buu yidhi, horena waxaanu ugu dirnay warqad aan ugu sheegayno in aanu rabno inaan hawlaha qaranka ee uu hayo wax ka waydiino, shir baan Maansoor ku jiraa buu yidhi, Anna amar baan siiyo waxaan ku idhi Golaha Guurtida ayaad imanaysaa wakhtiga aan kuu qabano, waxaanu iminka iswaydiin doonaa xilliga aanu u qabanayno,

S: Maadaama uu idiin gooyay Wasiirkii Hawlaha Guud, adigana la tilmaamo inaad isku dhowdihiin oo isku reer tihiin, intan dambena lagugu tiriyo mucaarad ahaan ma laga yaabaa Wasiirka Hawlaha Guud arrintan uu maanta idinku sameeyay inuu adiga kaaga aar-goosanayo?

J: Taas xilligeeda waa la gaadhi doonaa maadaama xilliga dambe ee aan u qabanaynaa uu dhaw yahay, tan dambe ayaynu eegaynaa maanta waxba ka soo qaadi mayno aargoosi iyo colaad.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”