Page 1 of 3

A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 8:23 am
by hanad_mn
this is sickening wallaahi. Naagihii way waasheen.
Maxkamad ku taala magalada Boosaaso ee maamulka Puntland oo xukun ku riday haweeney dil u geysatay haweeney kale oo lala qabay

Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday haweeney gacan ku dhiigle ah oo lagu magacaabo Ifraax Cali Aadan ka dib markii ay toorey ku dishay gelinkii dambe ee shalay haweeney lala qabay oo lagu magacaabi jiray marxuumad Sucaado Maxamed Cabdi xili marxuumada la dilay ay ku sugneyd goob caafimaad oo ku taala magaalada Boosaaso.

Xeer Ilaaliyaha guud ee maxkamada darajada 1-aad ee maamulka Puntland ayaa maxkamada horteeda ka soo jeediyey eedeeymaha loo heysto Ifraax iyo dilka ay u geysatay haweeneyda lala qabay ee geeriyootay, isagoo maxkamada horkeenay qalabkii ay fal dembiyeedka ku geysatay Ifraax oo aheyd toorey ay ka soo iibasatay suuqa, isagoo soo jeediyey in lagu xukumo sida shareecada Islaamku ay qabto oo ah in la dilo qofkii qof muslim ah u dila si xaq daro ah.

Qareen u doodayey haweeneydaasi wax dishay ayaa sheegay in laga yaabo in Ifraax ay tahay qof aan caadi aheyn oo dhimirka looga jiro sidaa awgeedna uu ka codsanayo maxkamada in loo diri dhaqtar baaritaan ku soo sameeya caafimaadkeeda, hase ahaatee waxaa soo jeedintaasi ku gacan seyray guddiga garsoorka ee maxkamada oo sheegay in Ifraax caafimaad ahaan maskaxdeedu ay tahay mid taam ah, waxaana gacan ku dhiigle Ifraax ay Maxkamada horteeda ka qiratay iney geysatay falkaasi dilk ah, iyadoo sababata ay u dishay haweeneyda lala qabayna ku sheegtay weerar ay dhowr jeer oo hore ku soo gurigeeda nabadna ay ka weysay taasoo igu xambaartay ayey tiri inaan ka ka taqaluso.

Ugu dambeyntii waxaa xukunkii maxkamada ay kiiskaasi ka gaartay ku dhawaaqay garsoore C/rashiid Cali Ciise oo sheegay in markii ay maxkamadu aragtay qirashada Ifraax ay qiratay iney dishay haweeneydii lala qabay, lana soo hor dhigay maxkamada cadeymo buuxa oo iskugu jira markkaatiyo iyo qalabkii lagu galay fal dembiyedka ay ku xukuntay maxkamadu gacan ku dhiigle Ifraax Cali Aadan dil toogasho ah, waxaana la sheegay in gacan ku dhiigle Ifraax oo ah qof uur leh dib loo dhigi doono dilkeeda ilaa ay ka umuleyso, waxaana dhinaca kale xusid mudan in haweeneyda la dilay oo lagu magaaci jiray marxuumad Sucaado Maxamed Cabdi uu aabe yahay gudoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso Maxamed Cabdi Awaare.
http://www.dayniile.com/April2009/27April10.htm

A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 8:33 am
by hanad_mn
this is waali wallaahi. Now the husband would Marry another wife while the old one's would rest in peace in the grave.

Re: Somali Girls Come In

Posted: Mon Apr 27, 2009 8:36 am
by Navy9
You changed the topic :lol: :lol:

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:13 am
by zulaika
and what becomes of the nacas who thought he could suffice the happiness of more than one woman.

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:45 am
by Keyse_0208
Nothing more dangerous than a Jelous woman.

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:49 am
by Executive
zulaika wrote:and what becomes of the nacas who thought he could suffice the happiness of more than one woman.


Subxallah, Live the poor man alone. He has now lost 2 wifes maskiinka.

Ilahaay ha caawiyo.

Re: Somali Girls Come In

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:51 am
by Nabeela
Navy9 wrote:You changed the topic :lol: :lol:
:lol: :lol: :lol:

That is him aight. He did the same thing to me the other day, I came out looking all crazy.

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:53 am
by Gifted
Astaqfurrallah, I don't know why I find this funny. :lol:

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:53 am
by kambuli
This should be a warning for those of you who are thinking of marrying a second wife...Be warned guys or else :twisted:

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 9:56 am
by surrender
au tii dhimatay but couldnt she just ask for a divorce? :| :down:

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 10:01 am
by kambuli
Surrender,

One asks divorce when he/she is sane..When men humiliate their wives and seek another wife some women loses it and they are not sane..They are not actually responsible of their actions specially when she loved him so much and have been honest with him..Some even die of the shock.. :cry:

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 10:03 am
by Executive
kambuli wrote:Surrender,

One asks divorce when he/she is sane..When men humiliate their wives and seek another wife some women loses it and they are not sane..They are not actually responsible of their actions specially when she loved him so much and have been honest with him..Some even die of the shock.. :cry:


Take your kufr talks else were. I don't see why you are any different from people like COSTA when you speak like that.

Don't you know the prophet and his companions married more then one? Were their wifes humiliated.

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 10:06 am
by hanad_mn
This guy married his wives out of love but if one of them go crazy, then he can't be responsible for her actions. I heard he refused to go to the court because It wasn't his problem any more. It was the two girls' family. All he said is I heard this news like the rest of the world and I am shocked about it. I hope he has many sisters to take care of those kids for him. May he find another two insha allaah who would share him Peacefully. [/size]

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 10:08 am
by HELWAA
Jealousy is dangerouse walle but no man is worth killing for :down:

Re: A somali woman kills her Co-Wife

Posted: Mon Apr 27, 2009 10:10 am
by Nabeela
hanad_mn wrote:This guy married his wives out of love but if one of them go crazy, then he can't be responsible for her actions. I heard he refused to go to the court because It wasn't his problem any more. It was the two girls' family. All he said is I heard this news like the rest of the world and I am shocked about it. I hope he has many sisters to take care of those kids for him. May he find another two insha allaah who would share him Peacefully. [/size]
That is questionable. I blame the man ALONE for this mess, one wife is dead and the other one's life is over, all thanks to him and his greedy lil man.