Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by Sagaashan »

Somalia to recognize Somaliland :lol:
Muqdisho(AllPuntland)- Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ah wasiirka Maaliyada ahna Raysalwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dalal kala gedisan wuxuu wada xaajoodyo kula kala yeeshay rag ka socda maamulka la baxay Somaliland, waxa ayna ka wada hadleen sidii ay dawladda Soomaaliya u aqoonsan lahayd madax banaanida Somaliland.

Shariif Xasan Sheekh Aaden wuxuu ubalan qaaday Maamulka la baxay Somaliland in ay aqoonsan doonaan, hadii ay ayaguna aqoonsadaan oo ay taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka udhigaye.

Wasiirka Maaliyada ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la kulmay xubno ka tirsan Madaxtooyada Somaliland, waxaana ay dhinacooda raga Somaliland ay sheegeen in aysan yeeli doonin in ay taageeraan dawladda Soomaaliya oo ay heshiis hor leh saxiixaan sidii 1960-klii, waa sida ay hadalka udhigeene.

" Hadii aad hada na taageertaan fursad weyn ayaad heystaan, ka dibna waxaan idiin ogolaan doonaa waxa aad dooneysaan, laakiin hadii inaan na aqoonsan anaga oo ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya waxba suuragali mayaan" Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Maamulka gobalada Waqooyi galbeed ee dalka Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland waxa ay sannadyadii Sagaashamaadkii ay sheegeen in ay ka baxeen Soomaaliya inteeda kale, waxaana aysan 20-kii sanno ee dalka Soomaaliya burbursanaa aysan helin wax aqoonsi, taasoo ay dawladdaha caalamka ugu cararayaan in aysan raali ka aheyn in Soomaaliya la googooyo.

Wada hadaladan markan socda oo ay hortaalo sharuudo adag oo ay labada dhinacba soo gudbiyeen, ayaan la garan karin sida ay ku socon karaan wada xaajoodyadu, laakiin dawladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la shaaciyey in ay gadaal ka riixayaan qorshahan oo ay doonayaan in ay dawladda Soomaaliya taageerto maamulka Somaliland ama aqoonsato, ayagoo horay dalalkan udiiday in ay Somaliland aqoonsadaan.

F. C. Geylan
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by abdikarim86 »

fake news
Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Re: Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by Addoow »

Poor man,if you only knew the history of this shariif ,his nicknamed shariif sakiin,waa opportunist. :lol:
But i believe isaaq should be allowed to secede.if they dont like us,no one really needs them.
User avatar
Navy9
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6830
Joined: Fri Jan 17, 2003 7:00 pm
Location: United States of Aliens

Re: Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by Navy9 »

If AU recognized Somaliland, they will open hell's door and if they didnt I know for sure Somalilanders will never rest until they get what they want. I guess then the solution should be that the President of Somalia should be a Somalilander for the coming hundred years :lol:
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by Sagaashan »

Cabdi i dont report unless i see it in two or more news sites. mida kale, do you know yusuf budle?
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by Sagaashan »

lool@sharif sakiin

Image

He is the Udub rep for the united states meeting with the finance minister sharif. the USA is part of the process as well. this guy lives in minnesota and was the editor of a somali mall newspaper called Jubba.
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Aan Ooyee Albaabka ii Balaqa

Post by Sagaashan »

the same story from a different sources, filed from Hargeysa:
Waxa beryahaaba si qarsoodi ah u socday wada hadalo dhexmarayay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland iyo dawladda Sh. Shariif ee Somaliya oo ay si buuxda u daadihinaysay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka (US State Department). Shirarkan oo lagu kala qabtay meelo kala duwan sida Djibouti, iyo Washington DC ayaa waxa ka kala qayb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday labada dhinac.

Hadaba wada hadaladaas oo ilaa hadda meel fiican maraya ayaa haddana waxa jira ama ka muuqata woxogaa aamindarro ah oo ku kala dhex jirta labada kooxood. Tusaale ahaan maamulka S/land waxa uu shuruud uga dhigay in uu maamulka Sh. Shariif ku dhawaaqo aqoonsiga S/land kahor inta aan waxkale laga wadahadal, halka maamulka dawladda Sh. Shariif ay sal uga dhigtay in ay Somaliland marka hore gacan weyn ka geysato lugo isu taaga dawladda kumeel gaarka ah, kadibna marka ay dhamaan dalka (koonfurta Somaliya) gacanta ku wada dhigto ay aqoonsandoonto gooni-isu taaga S/land.

Ku-xigeenka wasiirka koowaad ee dawladda ku meel-gaadhka ah, isla markaana ah wasiirka maaliyadda, Mudane Shariif Xasan Sh. Aden oo hogaaminayay kooxda matalaysa dawladda kumeelgaadhka ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka awood badan tahay inta ay moodayso, isla markaana ay ku haboonaan lahayd in ay ka ciyaarto arrimaha geeska Afrika kaalin hogaamiyenimo. Waxa uu sheegay in uu isagu aaminsan yahay in S/land ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka tashato, laakiin aanay ilaa hadda marin siddii ay taas ku heli lahayd. Illaa hadda S/land waxa la moodaa in ay cid marti uga tahay arrimaha mandaqadda, ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Yuusuf Budle oo kamid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii S/land ku saxeexdo heshiis indho la’aan ah.

Waanu isku baahanahay, laakiin iyagaa naga baahi badan. S/land sideeda ayay ahaanaysaa mana baaba’ayso haddii aanaan aqoonsi ka helin dawladda Somaliya, laakiin toodu (dawladda kumeelgaadhka ah ee Sh. Shariif) halkii kuwii kahoreeyay mareen ayay maraysaa haddii aanaan anagu aqoonsan/rabin. Yusuf Isaga oo ka jawaabaya arrinta qayb ka ciyaarka arrimaha mandaqaddana waxa uu yidhi: Awoodayadu waa mid aanu u isticmaalno oo keli ah wixii dalkayaga iyo dadkayaga u dan ah, kumana lumino heshiisyo macnmo daro ah. Haddii ay maanta dawladda Sh. Shariif ku dhawaaqdo aqoonsiga S/land, dalalka kalena ictiraafaan heshiiskaas, waxa naga balan ah in Muqdisho ay ku degdo muddo bil ka yar.

Shirarkan isdabojooga ah oo si qarsoodi ah u socday beryahaas ayaa lamoodaa in ay marayaan meel ay iskaga soo dhawaadeen intii hore, laakiin ay weli u dhiman tahay in laga gudbo xaaladda cakiran ee is aaminaadda ah.

Waxa lagu wadaa in qaar kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda kumeel gaadhka ahi booqdaan magaalada Hargeysa muddo aan fogayn, in kasta oo ay jirto cabsi ah in ay ka faa’iidaystaan mucaaridka Somaliland oo mar kasta ku sheega xidhiidhyada noocan ah in ay xukuumadda S/land gadayso madaxbanaanida S/land. Mr. Budle oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi “S/land mar kasta danteeda u luminmayso Calibaa odhan iyo Caashaa odhan. Waxa aanu rumaysanahay in aanu wax wada qabsan karno dawladdan Sh. Sharif anaga oo isku danaysanayna, waa haddii ay gartaane. Aqoonsiga S/land waxaanu ku raadinaynaa si kasta oo suurto gal ah, dublomaasiyad, xoog, maal/lacag iyo la shaqayn dalalka danaha ka leh Geeska Afrikaba.

Somaliweyn Media Office Hargeysa
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”