RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
peace-
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3307
Joined: Sun Oct 19, 2008 11:34 pm
Location: Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye.

RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by peace- »

this is for all those mindless tribal idiots who pollute these forums with hateful garbage and lies.

listen to what the man had to say and then make a judgement for youself.

http://www.doollo.com/mainpage/maqal/Sa ... oomaali.rm


Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo horjeeday keeba qardaraa

Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.

Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen. Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd. Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:

Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye

Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye

Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!

Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane

Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne

Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!

Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye

Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey

Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!

Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene

Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye

Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!

Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e

Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene

Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene

Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne

Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye

Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!

Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah. Waa gabayga 'Gudban' amase

'Gaalo-leged' lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen. Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

"Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.

"Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen. Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'.

Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:

Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene

Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane

Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!

Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye

Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye

Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!

Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe

Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne

Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!

Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye

Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane

Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!

Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba. Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.

Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.

Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa", sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:

Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey

iyo kii 'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!

Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin. Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:

Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin

Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara

Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada

Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira

Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo

Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!

Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba. Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an jireen, hantidoodana ku waayi jireen. Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.

Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.
User avatar
peace-
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3307
Joined: Sun Oct 19, 2008 11:34 pm
Location: Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye.

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by peace- »

so where all the the gaalo loves, the sick tribalists and the colonial slaves
User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by new-york24 »

"Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye"

"I am a noble man who's being slandered by undesirables"

somalinet ku habonaa.
RebelLion1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 646
Joined: Tue Mar 10, 2009 12:35 am

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by RebelLion1 »

peace- wrote:so where all the the gaalo loves, the sick tribalists and the colonial slaves
LOL

Is anyone who disagree's with you or points out the negatives of the sayid conveniently a sick tribalist?
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by KeligiiJabhad »

sayid max'ed cabdulle xassan was indisputably raggeedii!
and the fact of the matter is that no somali person
could even come close to where he hd reached in terms
of his halgan to liberate somalia from the gaalos.

may allah have mercy upon him, amin.
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by GENERAL_SNM »

Let him be your hero but dont expect us to follow your lead. He was northing but an anarchist and I would say the same if he was HJ...
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by Executive »

GENERAL_SNM wrote:Let him be your hero but dont expect us to follow your lead. He was northing but an anarchist and I would say the same if he was HJ...



So is Siiilanyo a greater man????
User avatar
Aliyah99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2604
Joined: Sun Sep 02, 2007 2:27 pm
Location: Burco - S/Land

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by Aliyah99 »

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by LiQaaye_TDH »

Habar Jeclo lost over 2.000 men fighting for that Qabilisti Wadaad waalan....
User avatar
Cinque Mtume
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4005
Joined: Fri Mar 06, 2009 5:36 pm
Location: Tres Puntos

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by Cinque Mtume »

Sayidka absolutely had a dark side, but if you take Somali standards and norms into consideration, the man was a Hero and an undisputed Legend.


But to argue that he had no dark side and no faults, I think if Sayidka himself was alive he would karbaash you for being so ridiculous and prolly loot and kill all your family members, that was his style of doing things... He had some x-rated poems too, unbefitting for a wadaad, talking about: I need some female flesh man...


He was a Hero in a very broad, Somali sense of the word.....but he was also the first, most powerful and most ruthless Warlord the horn of Africa has ever witnessed. But if you put it on a miisaan, the hero part will weigh more, b/c he salvaged the Somali people from being christened and raised the fear and respect the colonials had for the Somalis for centuries to come. He was a man to be admired, how a single man can mobilize so many Somalis from different clans and to be so feared.
Last edited by Cinque Mtume on Wed Apr 29, 2009 6:39 am, edited 1 time in total.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by AhlulbaytSoldier »

He is hero to darood only.

The hero of somalia is the hutu islamic leader Ahmed Gurey rahimullah :up:
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by snoop12 »

Lol

since when did Hutu start claiming Ahmed gurey ??? this is totally new, i found it absurd that abakar claimed him, but now Hutu too NOWAY...
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by Somaliman50 »

HutuKing01 wrote:He is hero to darood only.

The hero of somalia is the hutu islamic leader Ahmed Gurey rahimullah :up:
:up:

waaq boy, you guys claim a lot of things, but only 10% of it has any evidence. :lol:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by AhlulbaytSoldier »

abakar20 wrote:
HutuKing01 wrote:He is hero to darood only.

The hero of somalia is the hutu islamic leader Ahmed Gurey rahimullah :up:
:up:

waaq boy, you guys claim a lot of things, but only 10% of it has any evidence. :lol:
:lol: :lol:
Look sxb everyone is claiming him. Arabs,Qaldaan,faqash,eelay all are claiming him so ofcourse i believe Ahmed Guray was a hutu habargidir Cayr warrior blessed by the inhabitants of heaven and earth.
If authentic ahaadith didnt say that al mahdi will be a arab quraishi,i would have claimed him aswell.:up:
Last edited by AhlulbaytSoldier on Wed Apr 29, 2009 7:51 am, edited 1 time in total.
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Post by Adan_1 »

One imagines a tall, stately man, with a commanding presence, thin, clear-cut features, resolute mouth and chin, eyes glowing with the fire of religious fanaticism. It comes as a shock to us to hear that the Mullah is not in the least like this. I cannot give a faithful portrait of him, for I have never had the pleasure of meeting him, and apparently he does not encourage photographers at his Court. But there is one fact which completely dispels all our preconceived notions of what he ought to be like. The horrible truth is that he has grown too fat. This may be mere vulgar obesity caused by overfeeding, but, according to another report, it is the outcome of a peculiar disease, reported to be fairly common among the Dolbahanta tribe, which results in an abnormal swelling of the flesh, beginning at the ankles and gradually extending to the whole body. Whatever may be the cause, the Mullah has been afflicted with a superfluity of girth for several years past, and is said to require six men to lift him on to his horse. Probably this is the reason why he has changed his tactics, and decided that he can no longer rely upon a policy of elusiveness, but must be prepared to resist capture by other means. He is reported to have built a mighty fortress round his haroun at Taleh, with walls twelve feet thick, and there it is surmised that he would stand his ground if an expedition were sent against him.

:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”