Amir al mumineen appoints new ambassadors
Posted: Tue Apr 28, 2009 4:50 pm
War lagu kalsoonyahay oo aan ka helay mas’uul sare oo ka tirsan dawlada KMG, kana mid ahaa waftigii madaxwaynaha u raacay safartkii uu dhawaan ku tagay magaalada Bruxells ee dalka Belgium ayaa ii sheegay in Ambassador Walad Cabdallah uu codsi gaar ah, oo waliba cadaadis culaysleh wata, u soo gudbiyey Madaxwayne Shariif, kaas oo uu ku codsaday in xilal safiiro ah loo dhiibo ragii saldhiga u ahaa isbadalkii siyaasadeed ee dhaliyey inuu kursiga madaxwaynenimada Somaliya uu asagu ku fadhiisto, waa siduu hadalka u dhigaye.
Sarkaalka warkaanu ka soo baxay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin waxuu intaa ku daray in Madaxwaynahu uu ugu dambayntii aqbalay codsigii Walad Cabdallah, wallow uusan aad ugu qanacsanayn.
Safiirada cusub ee la magacaabidoonaa waxay kala yahiin sidatan:
Ra’iilsulwaraarahii hore Nuur Cadde waxuu noqondoonaa safiirka Somaaliya u fadhiya Bruxells
Ahmed Cabdisalaan - Waxaa loo magacaabidoonaa Qaramada Midoobay NY asagoo badalidoona Cilmi Axmad Ducaale
Mustaf Sh Ali Dhuxulow waxaa loo magacaabidoonaa London
Muuse Nuur Amiin waxaa loo magacaabidoonaa Addis Ababa, asagoo badalidoona Saciid Yuusuf Nuur
Mas’uulku waxuu intaas ku daray in niman madax ah oo ka mid ahaa waftiga madaxwaynaha ay ayaguna soo jeediyeen haddiba safiiro cusub la magacaabayo in safaaradaha Dubai, Qaahira iyo Geneva loo magacaabo xubno ka mid ah dadkii kaalinta wayn ka qaatay halgankii dalka lagu xureeyey. Talo soo jeedintaas oo uu madaxwaynahyna aqbalay, waxaa ilaa iyo hada magaciisa miiska la soo saaray Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo lagu wado in loo magacaabo Qaahira ama Dubai.
Ugu dambayntii mas’uulku waxuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyey, muwaadin kasta oo Soomali ahi xaq buu u leeyahay haddii jago safiir ama midkaleba loo magacaabo, laakiinse waxaa layaab ah, fajicisona nagu noqotay in shaqsi aan Soomali ahayni uu madaxwayne Soomaaliyeed cadaadis ku saaro hebel safiir ka dhig iyo hebel jagadaas u dhiib iwm! Waxaan fiicnaan lahayn in Ambassadorku uu maamulka xafiiskiisa ku ekaado kan soomaaliyana soomaalida u daayo.
Nuunow M Weheliye
Roma
Italy