WASIIRKA WARFAAFINTA JIBOUTI: “Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo weerarto haddii ay Soomaaliya lahaan lahayd awooddii mileteri ee ay lahaan jirtay"
Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax
Arbaco, April 29, 2009(HOL): Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sida ay Jibouti u arkeyso Dowladda Soomaaliya, sida ay Jibouti u dareemeyso maqnaashaha awoodda Soomaaliya iyo weliba waxa la gudboon shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo shirkan jaraa’id qabtay kadib markii uu ka qeybgalay Xaflad lagu furayay Wakaalad Warar Soomaaliyeed (Somina) oo xarunteeda noqon doonto Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Jibouti ay daneyso in Soomaaliya ay yeelato Dowlad awood leh oo soo celisa sharaftii iyo karamadii ay Soomaaliya lahaan jirtay.
“Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo weerarto haddii ay Soomaaliya lahaan lahayd awooddii mileteri ee ay lahaan jirtay, waana tebeynaa maqnaashaha awooddii Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jibouti oo sheegay in ay mar walba ku dadaalayaan sidii ay Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeedii.
Waxaa uu ka hadlay Wasiirka qaabka ay u shaqeyneyso Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya loogu dhisay Jibouti, wuxuuna sheegay in ay Dowladdaas shaqeyneyso, isla markaana ay si wanaagsan howsheeda u wadato , isagoo carrabka ku dhuftay in ay rajeynayaan in ay Dowladdan ka faa’iideysan doonto fursado badan oo ay ka faa’iideysan waayeen Dowlado ka horreeyay.
Mar wax laga weydiiyay Wasiirka sida ay u arkayaan mucaaraddo dowladda uga imaaneyso dhinaca kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayuu sheegay in aysan ilaa iyo haatan u muuqan sabab loo mucaarado Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya oo ah buu yiri Dowlad Midnimo Qaran ah.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiirka in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay dhinac isaga dhigi lahaayeen dhibaatooyinka mudada dheer dulsaaran, wuxuuna caddeeyay in haddii shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-qabsadaan ay ku guuleysan karaan in ay dalkooda ku soo celiyaan xasiloonidii iyo kala dambeyntii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- DustyFoot Farah
- Posts: 157
- Joined: Mon Sep 10, 2007 2:15 am
- Location: Afrikan vilage!
Re: Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo
.
Last edited by HELWAA on Wed Apr 29, 2009 8:59 am, edited 1 time in total.
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo
this is funny,,, webside kaan waxaan ma iska qortay,, mise reer-Djibuti iyo faransiis waa is naceen 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 24 Replies
- 1062 Views
-
Last post by Copy.&.Paste
-
- 0 Replies
- 436 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 8 Replies
- 1143 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 37 Replies
- 8484 Views
-
Last post by MidriGeez
-
- 0 Replies
- 345 Views
-
Last post by PanSomaliNationalist
-
- 3 Replies
- 379 Views
-
Last post by kambuli
-
- 9 Replies
- 646 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 6 Replies
- 655 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 0 Replies
- 287 Views
-
Last post by Mr.Wise
-
- 2 Replies
- 435 Views
-
Last post by RoobleAlWaliid