Baaq taageero ah oo ku socda maamulka Islaamka ee gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Garbo_Gedo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1138
Joined: Sun Mar 29, 2009 10:42 am
Location: Gedo, Baladki Amiirada

Baaq taageero ah oo ku socda maamulka Islaamka ee gedo

Post by Garbo_Gedo »

Baaq taageero ah oo ku socda hadalka kasoo yeeray maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo ka aramiya

Apr 29,2009
by Nayroobi-Gedo-News

Kaddib markii uu Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo sheegay in ay diyaar u
yihiin in ay wada hadal nabadeed la galaan xoogagga hubeysan ee ku sugan
magaalada Dolow, ayaa talaabadaasi waxaa si weyn usoo dhaweeyay dhamaan
jaaliyadda beesha Sade ee ku dhaqan dalka dibadiisa.

In badan oo aanan magacooda lasoo koobi karin oo ka mid ah jaaliyadda
beesha Sade oo Meediyaha lasoo xariiray ayaa sheegay in ay soo
dhaweynayaan talaabada uu dhawaan maamulka Islaamiga ah ee ka aramiya
gobolka Gedo u qaaday dhanka nabadda.

Baaqyada ka imaanaya beesha Sade ee ku kala firirsan dacalada Aduunka ayaa
waxay kaloo intaas raacinayaan fariin ay u gudbinayaan maamulka Islaamiga
ah oo ah sidan: "Inkastoon ku farax sanahay talaabooyinka aad qaadeen ee
aan meediyaha ka akhrisanay, haddana waxaan jeclaan laheyn in aan aragno
hadalkaas idinka soo yeeray oo aad ficil u bedeshaan; anaga oo sidoo
kalena mas'uuliyiinta Dolow ku sugan ka rajeyneyno in ay u dhego
nuglaadaan oo ay aqbalaan nabadda uu ugu baaqay maamulka Islaamiga ah ee
ka taliya gobolka Gedo."

Jaaliyadda beesha Sade ayada oo si aad ah ugu faraxday talaabooyinkaas
nabadeed ee aan kor kusoo xusnay ayaa dhankooda waxay balan qaadayaan
haddii fursadaas nabadeed la helo in ay si hagar la'aan ah u taageeri
doonaan hanaanka geedi socodka nabadda ee gobolka Gedo.


GUDDIGA XIRIIRKA JAALIYADDA DIBADDA EE BEESHA SADE

http://www.gedonet.com/index.php?news=5397
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”