Sannad ka dib geeridii Macalin Aadan Xaashi Ceyroow maxaa is

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Sannad ka dib geeridii Macalin Aadan Xaashi Ceyroow maxaa is

Post by Talo alle udaa »

Mogadishu Friday, 01 May 2009 SMC

Allaha u naxariistee 1 bisha May waxa ay ku beegsan tahay xiligii gudaha dalka Somalia lagu dilay Macalin Aadan Xaashi Faarax “Ceyroow” oo ahaa hogaamiyihii Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab oo ah ururka ugu awooda roon ururada Islaamiyiinta Somalia leeyihiin.

Marxuum Macalin Aadan Xaashi Ceyroow sannad ka hor gantaal la soo hagey uu ku dhacay guri ku yaalla degmada Dhuusa Mareeb ee G/galgaduud halkaasi oo habeenimadii 1 May uu ku geeriyoodey Macalin Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa Hogaamiyihii ururka Al Shabaab ee hadda ka horjeeda DKMG,

horeyna dagaalka ula galey ciidankii Ethiopia ee mudada labada sano ahayd ku sugnaa dalka.
Macalin Aadan Xaashi Ceyrow waxaa uu ku dhintey gantaal ku dhacay guri ku yaalley bartamaha magaalada Dhuusa Mareeb, tafaasiisha gantaalkaasina waxay ahayd mid si tarttiib ah u soo baxeysey.

Macalin Aadan Ceyrow waxa uu ahaa 30 jir waxaana la sheegay inuu tababar ku soo qaatey dalka Afghanistan waana sababtaasi darteed loogu darey liiska Mareykanku u yaqaano Argagixisada, waxaana la rumeysan yahay rag Soomaali ah inay basaaseen Marxuum Ceyroow kuwaasoo guriga uu ku sugnaa isaga iyo rag ka tirsan Al-Shabaab kusoo hagayeen gantaalka Mareykanka.

Macalin Aadan Ceyroow waxay aad isugu dhowaayeen Sheekh Mukhtaar Roobow oo markii dilka Ceyroow uu soo baxay sheegay inay ka aargoosan doonan dilka Aadan Ceyrow, waloow aan ilaa iminka laheyn aargoosi ay sheegeen Shabaab oo dilkii Ceyroow kadib geysteen.

Lt. Joe Holstead oo ah Taliyihii hogaaminayey ciidanka taliiska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Ceyrow uu fuliyey dhowr weerar oo lagu qaadey danaha Mareykanka ee Africa gaar ahaan Somalia.

Taliyuhu waxaa uu inta ku daray in Milateriga wadanka Maraykanka ay weerar ku qaadeen qof ay garanaayaan in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Qaeda ahna Hogaamiye urur miintid ah,kuna qaadeen degmadda Dhuusamareeb oo 300-Mile dhanka waqooyi kaga beegan magaaladda Muqdisho.

Sarkaal kale ka tirsan Milateriga wadanka Maraykanka oo la sheegay isna in uu ku jiray Maskaxdi ka dambeysay weerarka lagu dilay Aadan Ceyrow ayaa waxaa uu isna xaqiijiyey Dilka Aadan Ceyrow,waxaana uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo qaabka uu howlgalka uu dhacay.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Dhuusamareeb waxay sheegeen in weerarkaas ay ku dhinteen daraasiin dad ah, waxaana uu ahaa weerarki 4-aad mudo 16-bilood gudahood ay ciidamadda wadanka Maraykanka ku soo qaadan gudaha wadanka Soomaaliya, iyadoo intooda badan ay sheegaan in goobaha ay weerarada ka geystaan ay ku sugan yihin Islaamiyin xagjir ah.

Weerarkaas waxaa uu ahaa weerarki ugu horeeyey ay Ciidamadda wadanka Maraykanka guul ka soo hooyaan tan iyo marki ay bilaabeen in ay duqeyn ka geystaan ciida wadanka Soomaaliya, balse waxba iskama dhimin dhaqdhaqaaqii Al-Shabaab kadib geerida Ceyroow oo Mareykanka filayeen inay Al-Shabaab burburi doonto.

Macalin Aadan Ceyroow waxaa la aaminsanaa in uu ahaa nin amaanka Geeska Afrika uu halis ku ahaa sida reer galbeedka qabeen, Saraakiisha wadanka Maraykanka waxay sheegeen in Ceyroow uu tababaro kala duwan uu ku soo qaatay wadanka Afghanistan uuna halkaas ka soo dagaalamay sanadhihi 1990-maadki.

Wadanka Itoobiya oo deris la ah wadanka Soomaaliya oo taageero ka helayso Dowladda wadanka Maraykanka ayaa waxay fara-gelin ku samaysay wadanka soomaaliya ayna dagaal la gashay kooxaha Islaamiyinta oo xilligaas ku khatar ku ahaa DFKM, waxayna haysteen goobo aad uu muhiimsan oo ay ku jirtay caasimadda ee Muqdisho.ciidamadda wadanka Itoobiya waxay ku guuleysteen in ay awooda Islaamiyinta ay jebiyaan,ayna dalka dib gacanta ugu soo celiso DFKM.

Mareykanka ayaa isaga rumeysanaaa in Macalin Aadan Xaashi Ceyroow ka dambeeyey dilalki loo geystay 4-Shaqaale oo ajaaniib ah oo lagu dilay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya iyo dilki weriye ajaanib ah oo uu dhashay wadanka Sweden oo Sannadki 2006 lagu togtay magaaladda Muqdisho xili Maxkamadaha Islaamiga dalka ka ariminayeen.

Macalin Aadan Xaashi Faarax “Ceyroow” raga aad ula soo shaqeeyay waxey sheegeen inuu ahaa nin aad u degan aana hadal badneen, jecelna mar walba xiriirinta dadka uu garanayo, kuna dadaali jiray salaada iyo aqrinta Qur’aanka Kariimka isla markaana tiigsanayay ujeedooyin fog oo ahaa in dalka Somalia lagu xukumo iyo Geeska Africa-ba Shareecada Diinta Islaamka, waxuuna soo saaray dhalinyaro badan oo Macalin dhinaca Militariga u ahaa kuwaasoo iminka kamid ah Al-Shabaab.

Macalin Aadan Xaashi Ceyroow intii uu noolahaa kuna sugnaa Somalia waxaa la sheegayaa in rag ka tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho dhowr mashruuc kusoo qaateen sidii isagoo nool gacanta ugu galin lahaayeen Mareykanka, balse Aadan Ceyroow oo ahaa nin aad u feejigan ayaa ka gudbay sirqoole badan oo loo sameeyay.

Kadib geerida Macalin Aadan Xaashi Faarax Ceyroow waxba iskama dhimin awoodii iyo dhaq-dhaqaaqii Al-Shabaab waloow iminka la rumeysan yahay awoodoodo sii xoogeysataya waxeyna dagaalo faraha loogu gubtay lasoo galeen dowladii uu horboodi jiray Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo ciidamadii Ethiopian-ka ee labada sanno gudaha Somalia ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa guud ahaan gobolada Koonfuteed iyo gobolada Dhexe ee Somalia qaar kamid ah ku sugan xiligaan iyagoo awood aad u xoogan ku leh, reer galbeedka ayaa Al-Shabaab ku tilmaamaan urur halis ku ah nabada Geeska Africa balse Al-Shabaab waxey sheegaan inaysan Geeska Africa halis ku aheyn aysana dooneyn balse ay doonayaan in gudaha Somalia diinta Islaamka lagu xukumo.

Al-Shabaab ayaa ah urur madaxdooda isku xiran yihiin waxeyna leeyihiin Afhayeen u hadla kaliya mana dhacdo dadka ka tirsan inay Saxaafada la hadlaan taasoo muuqaneysa inay yihiin rag isku xiran oo go’aamo u degsan.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga waxuu aad u garanayaa raga hogaamiya Al-Shabaab balse taasi kama dhigeyso inay xabada ka joojiyaan dowladiisa oo Al-Shabaab rumeysan tahay inay reer galbeedka dhabarka kasoo riixeyso.

Abdifitahaam Ahmed
Editor: Xogta
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”