Burco(Oodweynenews)-Beelaha G/ Togdheer ayaa qoraal ay wadajir u soo saareen oo ay ku muujinayaan Mawqifkooda ay ka soo horjeedaan magacaabista labada taliye qaybeed ee xukuumadu dhowaan u soo magacawday Togdheer.
Hadaba Qoraalkaas oo ay ku saxeexnaayeen Gudoomiyaasha Beelaha Gobolka togdheer ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
“Ka dibshirar uga socday magalada Burco Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha, Waxgaradka iyoCulimada gobolka togdheer oo lagaga hadlayay magacaabista labada taliye qaybeed ee loo magacaabay G/togdheer,ayaa falanqayn dheer ka dib waxa isku raaceen inaanay soconayn oo la aqbalayn magacaabista lagu kala qaybinayo bulshada walaalaha ee wada degan gobolka Togdheer,waxaanan u aragnaa arinkan(Labada taliye),mid lagaga hortagayo isu-soo dhawaanshaha ka jira hada gobolka ee ay hormoodka ka yihiin Waxgaradka iyo Salaadiinta gobolka,islamrkaana talaabadani waxaan u aragnaa mid hordhac u ah qorshe xun oo la damacsan yahay.
Waxaanu ka soo horjeednaa waxwalba ha lagu magacaabee in wax laga bedelo qaab dhismeedkii hore ee ka jiray gobolka,qaabkasta oo loo dhigana waa mid aan heli Karin kalsoonida Bulshada gobolka Togdheer.Hadii ay dawladu u baahan tahay in bulshada gobolka wax u qabato waxa jira arimobadan oo loo baahan yahay in wax lagaga qabto sida,in la bedelo lacagta Giimabaarta ee la degtay dhaqaalihii Gobolka,Tayaynta Booliska,Caafimaadka.
Magacyada Gudoomiyayaasha beelaha G/togdheer ee saxeexay Qoraalkan.
Cawil Yuusuf Dhiif…..Gudoomiye.
Diiriye Jaamac Cabdi..Gudoomiye.
Baaq ay soo saareen Beelaha Gobolka Togdheer
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 2673 Views
-
Last post by Digdahab
-
- 13 Replies
- 2028 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 682 Views
-
Last post by Camel_herder
-
- 0 Replies
- 564 Views
-
Last post by kaliil
-
- 4 Replies
- 2155 Views
-
Last post by maxamed-muse
-
- 0 Replies
- 493 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 106 Replies
- 12436 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 438 Views
-
Last post by MALMAHA
