Radio Hargeysa and National TV become international

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Radio Hargeysa and National TV become international

Post by yawle »

Somaliland now boasts one of the best Radio Stations in the region with a global reach. The Radio has been successfully heard in Egypt, Sudan, Kenya, Ethiopia, Djibouti, Saudi Arabia and Yemen. And also there was this Japanese guy in Japan who successfully picked up Radio Hargeysa half way around the world in the Asia Pacific!!!

The Minister for Aviation when he was the minister for Information put a priority to upgrading Somaliland's national media to world class. 7 years later that vision has become true. Our National TV has become one of the most professional Somali Satelite TV stations with competent and professional journalists at its helm.
User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Re: Radio Hargeysa and National TV become international

Post by yawle »

Idaacada Radio Hargaysa oo noqotay Idaacadii Sadexaad ee si saafi ah looga dhagaysto Sanaag, Ceeri.
Written by Qarannews
May 01, 2009 at 12:15 PM

Ceerigaabo,(Qarannews)-Tan iyo intii ka danbaysey burburkii dawladdii Somalia ee aynu lamidownay 1960'kii ayaa waxa sheegaha shacabka haysatey Idaacada BBC-London laanteeda af Somaliga,,taasi oo ahayd idaacadda keliya ee wararka caalamka lagala socdo, laysna weydooyo ama laysaga warramo wixii ay sheegtay.

Waxa iyaduna sannadahan danbe ku soo biirtay Idaacadda VOA-Washington ee Somaliga, oo galabtii iyo habeenkiiba aad loo dhegeysto.

Haddaba xilliyadan ugu danbeeyey waxa soo kordhay Idaacadda Radio Hargeysa ee Somaliland oo si joogto ah hawada soo gasha maalin kasta 1:00 PM. ilaa 3:00 PM, halka habeenkiina mar labaad 6:00 PM ilaa 10:00 PM. ay hawada kusoo laabtaan, kaasi oo si weyn looga dhegeyto magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, islamarkaasna bulshadu ay aad u xiiseeyaan dhegeysiga Radio Hargeysa.

Maaddaama Xarunta Gobolka Sanaag (Ceerigaabo) iyo gobollada kale ee Somaliland gaar ahaan Caasimadda (Hargeysa) ay aad u kala fog yihiin, waddooyin/laami si fudud isugu xidhi karaana aanay jirin , arrinahaas iyo qaar kale dartoodna waxa aad u yarayd si joogto ah in loola socon karayey wararka iyo xaaladaha ka jira caasimadda Somalilan (Hargeysa) oo ah halbawlaha ay lagama maarmaanka tahay hagista ummadda reer Somaliland iyo baahinta wararka caasimadda kazoo baxaya.

Magaalada Ceerigaabo beryahan danbe waxad arkaysaa dad badan oo isweydiinaya "Radio Hareysa ma dhegeysatey" iyo meelo badan oo lagu xoonsan yahay xilliyada warku soo galo, iyo weliba meheradaha suuqa oo intooda badan ay ka baxayso Radio Hargeysa, iyo barnaamijyada kala geddisan ee idaacadda ka baxa oo siyaabo kala gaar ah loo xiisaynayo tusaale ahaan dhallinyarada oo ku mashquulsan barnaamijka tahniyadaha ee ay isugu tebinayaan salaamaha, aroosyada, dhalashada iyo wax kasta oo farxad leh iyagoo shaqaalaha idaacaddana ka codsanaya hadba heesaha ay xiisaynayaan in loo soo daayo oo ay dhegeystaan.

Isku soo wada duub oo dhegeysiga/maqalka Idaacadda Radio Hargeysa ayaa waxay meesha ka saartay hadalkii ahaa "Hargeysa maxaa laga warramay iyo Hargeysa ma la hadashay", waxayna taas beddelkeedii bulshada reer Sanaag ku beertay yididdiilo farxad leh oo xataa la odhan karo isticmaalka iyo iibsiga raadiyayaasha ayaa si weyn sare ugu kacay iyada oo la odhan karo idaacda Hargaysa waxa ay suuqa ka saaraysaa idaacadaha kale ee soo gaadha gobolka iyada oo ay dadku aad ugu bogeen idaacda qaranka oo si fiican u socota, taasi oo ay shicibka reer Sanaag ay aad ugu hambalyaynayaan xukumada siiba wasaarada warfaafinta iyo dhamaan shaqaalaha idaacda Radio Hargaysa.

Marka dhinac kale laga eegona waxa la odhan karaa Radio Hargeysa waa Idaacadda saddexaad ee waqtigan si weyn looga dhegeysto magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaanba gobolka Sanaag.

Source Qarannews

Ceerigaabo

Somaliland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”