Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Abu Mansur & Fuaad

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Abu Mansur & Fuaad

Post by AhlulbaytSoldier »

Fuaad Shongole oo sheegay in laga shirayo Afhayeen Roobow"Cod"

Mogadishu 02 May 2009 Waagacusub Media.
Fuaad Mohamed Khalaf Shongole oo la isla dhexmarayo inuu ku dhintay ama ku geeriyooday dagaal degaanka Xees ee goboladda dhexe Somalia,ku dhexmaray Maleeshiyo uu watay iyo xoogaga Ahlusunna Wal Jameeca ayaa markii ugu horeeysay beeniyay sheegashadaas,wuxuuna tibaaxay inaysan wararka nuucaasa waxba ka jirin.uuna ku sugan yahay Mogadishu.

Hees Waagacusub Dhageyso ama Download

Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download
.
Fu-aad Shongole oo Radio Waagacusub kula hadlayay Telefoonka Seathlet-ka wuxuu si kulul u weeraray Afhayeenka Xarakadda Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abuu Maansuur,isagoo xusay in madaxda Shabaab shir ka leeyihiin afcaashiisa.
Shongole oo dhawaan af ku gaaleeysiiyay Madaxweyne Shariif iyo Dowladiisa dhamaan madaxda ku jirta wuxuu tilmaamay in qofkii qalad galo,uu qaladka dib ugu laaban doono,wuxuu sheekadaas kaga jawaabayay su-aal ahayd aragtidiisa sii deeyntii uu Mukhtaar Roobow sii daayay Wasiiro ka tirsanaa Dowladda Cabdullahi Yusuf sida Mohamed Ibrahim Xaabsade.
" Qofkastoo qaldamo qaladka naftiisa ayuu ku laabanayaa,anagu dadka cadawga ilaaheey hadii la qabto in la dilo ayey nala tahay,anigu shaqsiyan way ila qaldaneed,hada Madaxda Shabaab ayaa u fadhiso,waxaana jeclahay in go-aan adag laga gaaray,oo warkaasi aad heli doontaan"ayuu yiri Fuaad Shongole.
Sarkaalka sare ee ka tirsan Shabaab mar aan weeydiinay jagada uu ka hayo Shabaab wuxuu ku gaabsaday inuusan waxba ka heeyn oo Mujaahid yahay laakiin dhinaca kale wuxuu asraaray Mukhtaar Rooboow isagoo ku eedeeyay inuu ku shaqeeyay wado ka baxsan axdiga u dhigan Shabaab.
"Mukhtaar Roobow moowqifkiisa waa cadeeystay,waxaana ognahay hada inuu dhisayo maamul la baxay Bay iyo Bakool oo Mujaahidiinta lagu dhabarjibinaa"ayuu ku celcelshay Shongole.
Fuaad Shongole oo ku Aabahiis uu yahay rug cadaa Sports,aadna looga yaqaan Mogadishu wuxuu sheegay inuu dalka Sweden caasimadiisa Masjid ku yaal oo lagu magacaabo Ringbin uu Iimaam ka ahaa balse uu isaga tegay sanadkii 2001.
Mar uu ka jawaabayay inuu ku shaqeeyo hab qabyaaladeeysan ,wuxuu eedaas ku sifeeyay mid aan sal iyo raad lahayn,isagoo marqaati u qabsaday shacabka ,oo isku caleemasaaray inay ku yaqaanaan wanaag.
Xoogaga Ahlusunna Wal Jameeca oo uu wareeysiga ku daah furay wuxuu ku xukumay inay yihiin Mushrikiin,ka mida cadawga alle.Halkaan ka dhageyso Wareysiga ama Download
Madaxweyne Shariif maxaad u taqaan ayaan ku celinay,wuxuuna ku gaabsaday" Dowladda cadawga keentay,cadawga u shaqeeysa ee gaaladda ku hoosnool cidii ka tirsan,waxaan u naqaan kuwa diinta ka baxay.
____________________________________________________________________________________________________

Mukhtaar Roobow oo si kulul ula hadlay Ahmed Godane iyo Fuaad Shongole

Mogadishu 02 May 2009 Waagacusub Media.
Afhayeenka Xarakadda Shabaab ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in gobolada Bay iyo Bakool loo dhisayo maamul goboleed ,si shacabka degaanada loo gaarsiiyo horumar la taaban karo,isagoo farta ku fiiqay in Hay'adaha samafalka loo fasaxay guud ahaan gobolka.

Hees Waagacusub Dhageyso ama Download

Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download
.
Afhayeen Mansuur oo hadalkiisa ku beegay xilli Baydhabo loo ogolaaday inay ka shaqeyso Hay'ad samafal oo magac Christan wadato wuxuu la soo xiriiray Waagacusub Media oo uu mudo ku hayay weerar dhinaca afkaa.
"Waxaan aaminsanahay in Waagacusub iyo Aminarts ka mid yihiin Saxaafadda madaxa banaan ee Somalia,mana jirto colaad aan shaqsiyan u qabo maxaa yeelay hada waxaanu joognaa waqtigii loo baahnaa in laga gudbo isku dirayaasha iyo warxumatashiilka"ayuu yiri Mukhtaar Roobow oo la soo xiriiray Maamulka Waagacusub.
Mukhtaar Roobow oo ka mida Saraakiisha sare ee Shabaab wuxuu ka gaabsaday inuu wax badan ka yiraa eedeymaha ay ujeediyeen Amiirka Shabaab Ahmed Godane iyo Fuaad Shongole oo ka mida saraakiisha sare ee Shabaab.
" Walaalkeey Ahmed Godane wax badan ayaan halgan ku wada jirnay,cadawgii wuu ka baxay dalka,waxaana leenahay,waxaa lagaaga baahan yahay inaad shareecada gaarsiiso Somaliland gaar ahaan Magaaladii aad ku dhalatay ee Hargeysa"ayuu yiri Afhayeen Roobow oo isbedel badan ka muuqday.
"Ma doonayo inaan Idaacadaha la waramo,inaan wareeysi bixiyo inta aan ka dhameeystireeyno dhismaha maamul goboleedka Bay iyo Bakool,waxaana tan Fuaad Shongole uga jawaabayaa,ma ogi goorta uu Shabaab xil ka qabtay,Afhayeenka Shabaab waa aniga,waxaana leeyahay dadkaada kalsooni ka raadso"ayuu ku koobay warkiisa Aw Roobow.
Mukhtaar Roobow oo xilligii uu qabanayay Baydhabo sii daayay Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir MOhamed Ibrahim Xaabsade wuxuu heshiis la gaaray Hay'ada Qaramadda Midoobay ee UNHCR sida uu BBC u xaqiijiyay Wakiilka hay'adaas ee Somalia Guillermo Bettocchi,
Afhayeen Mukhtaar Cali Roobow oo weli ku magacaaban Afhayeenka Shabaab wuxuu Baydhabo ku qaabilay John Holmes oo ah Madaxa Bini-aadamnimadda ee Qaramadda Midoobay.

Fu-aad Shongole oo isagana Waagacusub la hadlay ayaa Mukhtaar Rooboow (Abuu Maansuur) ku sifeeyay nin jibiyay axdiga Shabaab,siina daayay dad ka mida Cadawga alle,oo uu ka xusay Mohamed Ibrahim Xaabsade.Halkaan ka dhageyso Wareysiga
Warbaahinta Waagacusub iyo tan Soomaaliyeed ma jirto cid ay cadaawad ama Khilaaf gaara la wadaagto,waxayse ku hadashaa codka dadka loo yaqaan berrimageydada ee maalin walba qaraxyada lagu halaagayo,lana dilayo nin doorkooda.
Mukhtaar Roobow isagaa maalin walba ku khudbeeyn jiray beenta Bahuuko iyo Waagacusub,mana jirto sabab qasbi karto xiriir gaar loola yeeshay mar hadii dhibaatadii ka joog lagu lahaa shalay,uu maanta dareemayo culeeyskeeda.


Good developments.
Lester_Girl
Posts: 6
Joined: Sat May 02, 2009 10:03 am

Re: Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Abu Mansur & Fuaad

Post by Lester_Girl »

who cares about this bullshit, we Puntlanders are the best


puntland :rose: :rose: :rose:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”