Waxa hubaal ah in ay wasiirada xukuumadda Somaliland ay u kala dhuuntaan madaxda dawladda Sh. Shariif iyo weliba kuwii kahoreeyayba. Waxa mar aan dhawaan tegay magaaladda Djibouiti aan kula kulmay qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda S/land oo si diciifnimo ah amaba dabo joog ah u daba wareegaya qaar ka mid ah xukuumadda Sh. Shariif. Waxa ii suurto gashay in aan maalin meel kula qayilay wasiirka arrimaha dibedda C/lahi Maxamed Ducaale iyo qaar kale oo ka mid ah xukuumadda Sh. Shariif. Waxa aan markhaati ka ahaa in aanay nimankaasu ka hadlayn gooni isu taaga S/land ee ay sheekadu u socotay siddii dadkan walaalaha ah la iskugu soo celin lahaa, waa sida ay iyagu u dhigayeene.
Aniga oo ah gudoomiyaha ururka qurbojoogga aqoonyahanada kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ee deegaankoodu yahay USA, waxa aan hubaa in Guddomiyaha Udub ee USA, Mr. Budle lagu qasbay in uu si badheedh ah u dafiro arrin jirta oo ah la kulanka sirta ah ee ay xukuumadda S/land la leedahay dawladda Sh. Shariif. Uma malaynayo in ay xukuumadda S/land qarin lahayd xidhiidhka ay la leedahay dawladda Sh. Shariif haddii ay raadinayso gooni isutaaga S/land. Waxa la yidhi: Wax la qariyo qurunbaa ku jira”, miyaanu ahayn qoraalka uu Yusuf dafirayaa kii la lahaa wuxuu Yusuf shuruud uga dhigay in horta la saxeexo gooni isu taaga S/land. Xataa haddii aanu Yusuf matalin xukuumadda, laakiin cidda uu la kulmay uu u sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in la wada hadlo ilaa ay dawladda Sh. Shariif ogolaato gooni isu taaga Somaliland, maxaa qalad ah oo uu sameeyay?
Waxa hubaal ah in uu Yusuf ka hor yimid dantii xukuumadda S/land ee uu hogaanka arrimaha dibedda u hayay wasiirka arrimaha dibedda ee ahayd in laga wada hadlo isku darsi ku salaysan “Federalism”. Su’aashu ma aha kumaa la kulmay kuma? Su’aashu waxa ay tahay “ Maxaa ka qaldan in shuruud aqoonsi ah lagu xiro wada hadalka Somaliya iyo S/land?
Soomaaliya waxa u fadhiya USA laba safiir oo kala ah safiirka Somaliya u fadhiya USA iyo safiirka Somaliya u fadhiya United Nations-ka. Waxa ka hoos shaqeeya safiiradaas ilaa labaatan qof oo la siiyay kaadhka diblomaasiga oo dhamaantood Soomaali ah, isla markaana mushaaro looga qoray hey’adaha caalamiga ah iyo wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka. Halka uu S/land u metalo nin keli ah oo jagadaas ku magacawnaa tan iyo intii uu Madaxweyne Cigaal noolaa. Ninkaas oo ilaa hadda isticmaala hal kumbiyuutar oo kan gacanta lagu qaato ah iyo tilifoonkiisa gacanta ee shaqsi ahaaneed. Haddii maamulka S/land daacad ka yahay aqoonsi raadinta sidaas miyaa sida lagu raadiyo aqoonsigu? Jawaabtu waa maya.
Yusuf waxa aanu ku kulanay meelo badan oo aanan ka filayn, run ahaantiina haddii uu metalayo xisbi aanay ahayn in uu yimaado. Taasu waxa ay igu dhalisay figradda ah in uu ku jiro arrimo ka baxsan hawsha uu magaceeda sito. Hadaba ma ogi sida ay sheekada ku saabsan kulanka Yusuf iyo Shariif Xasan kusoo if baxday, waxase hubaal ah in dafiraada dambe ee uu dafiray in uu arrimaha Somaliland kala sheekaystay aanay waxba ka jirin, laguna qasbay.
Aniga oo udhashay,kuna dhashay S/land, laakiin aan ka dhalan beesha Isaaq, aaminsana in loo raadiyo gooni isutaageeda, ayaa haddana waxa murugo iyo naxdin badan igu noqota marka aan arko kuwii hogaanka u hayay, welibana kasoo jeeda beesha sheegata in dadkoodii loo soo laayay, si ay u helaan xoriyadooda ay haddana masuul ka yihiin gorgortanka dib isugu celinta Soomaali weyn. Waxa aan ku dhiirin lahaa Mr. Budle in uu runta ka sheego waxyaabihii loo diray iyo meesha ay waxmarayaan.
Abdi-Aar Abdi
Gudoomiyaha Somaliland Reform Party -USA

Guddomiyaha Udub ee USA, Mr. Budle ----->

