Rayale Gumeysiga Dhaqaale uu ku Hayo Beesha Dhexe…

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Rayale Gumeysiga Dhaqaale uu ku Hayo Beesha Dhexe…

Post by Adan_1 »

Gumeysiga Dhaqaale Ee Rayaale Ku Hayo Beelaha-Dhexe, Iyo Isku Muuqashadooda Beeliba Beesha Kale ay Haysato Ee Madaxa La isku Wada Geshay Taas Oo Gobanimadii Dhiigga Loo Qubay ILawsiisay sidii Ummushii


BAKIPRESS.COM - Rayaale maalintii la doortay kii oo habacsan, sakatina ku jirto oo isnabaya ayuu kursiga koray, maantana sidii awr baarfuray ayuu doobta laba ridaa oo dhebi dhabtaa kii oon ilaahay mooyee cid u wax iska saarayaa aanay jirin dadka iyo dalka intaa le’eg wuxu doonana u sameeyaa sharci iyo sharcidarraba.

wuxu bartay iinta beelaha dhexe, wuxu bartay qaabdhismeedka beelaha-dhexe iyo siday u kala baxbaxaan qabiil ahaan; wuxu baratay sida loo kala jajabsado, wuxu bartay sida loo kala laaluusho, wuxu bartay ereyada lagu beerlaxawsado, wuxu bartay nin doorka dhiirran sida ayda loogu diro shacabkana looga horkeeno, wuxu bartay propagaandhaha sida loogu dhigo iyo farta loogu qoro, wuxu bartay halka ay ka nugulyihiin, wuxu bartay baraxa iyo cabsida ay ku reebeen dagaaladii ay soo galeen, wuxu bartay sida loo cabsi geliyo iyo barta laga abbaaro, wuxu bartay in hadalkooda ficil aanu raacin karin wakhtigan xaadirka ah, wuxu bartay inay yidhaahdaan ushaada ninkaad ka qaadan karayso ayaa loo dhiibtaa, waana dhafoortaabasho ficilada aw sameynayaa dhammaantood garaadkiisana wuu qabaa. waxasoo dhan ayuu bartay iyo qaar kaloo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

haddba, intii aw baranayey arrimaha an kor ku soo sheegnay oo dhan iyo qaad dhismeedka bushada iyo beelaha-dhexe oo dhammaantood heer jaamici u ku gaadhay, wuxu intaa barbar waday sidii aw u urursan lahaa dhaqaale, amma deeq markaa dalka la siiyay ha noqoto oo u leexsado, amma mushaharkiisa meel ha ku gufeeyo, amma cashuuraha dadka dhinac ha u leexsadee. si kastaba ha noqotee, arrintaasi waxay noqotay iyaduna arrin labaad oo u si fiican ugu guulaystay nin ka dhaqqale badan oo maanta somaliland joogaana ma jiro dhammaanteed.

Xigasho: BAKIPRESS.COM -
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”