
WAR DEG DEG AH: Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay nawaaxiga Garoonka K/Cagta Muqdisho Stadium.
Dagaal culus ayaa mar kale dib uga qarxay meelihii shalay ay ku dagaalameen Xoogaga Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Alshabaab, iyadoona dagaalka uu xoogiisa ka socdo agagaarka Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium oo fariisin u ah Ciidamada Maxkamadaha.
Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa xoogaga Maxkamadaha Islaamiga garabka taabacsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab kuwaasi oo maalintii shalay ku dagaalamay qeybo ka mid ah wadad warshadaha ee magaalada Muqdihso.
Hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsanayo dagaalka ayaa ah mid aad loo maqlayo, waxaana jugta xoogeeda ay ka dhaceysaa dhinaca Isbartiibada ama Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho.
Ma cada qasaaraha uu geysanayo dagaalka, iyadoona ay tani wiiqeyso baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyadan Islaamiyiinta oo aan dhag jalaq u siin baaqyadaas, iyagoona dib u bilaabay dagaalkooda.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.co m
Jowharcom@gmail.com


