


General IlkaJiir, Minister of Interior and oldenglish Uncle




Xarunta Caasimadda DGP ee Garowe oo u ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Burcadbadeeda>>>>>
Khamis 07 May 2009
Puntland:Waxaa maanta xarunta Caasimadda DGPL ee Garowe ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Burcadbadeeda.
Banaanbaxan ayaa waxa soo qaban qaabisay Xukuumadda DGPL waxaana ka soo qaybgalay dadweynaha ku dhaqan Caasimada DGPL ee Garowe
Ka dib markii ay shacabku socod ku soo mareen magaalada Garowe,ayaa waxa laysugu yimid xarunta Madaxtooyada horteeda,waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud,qaar ka mid ah golaha wasiirada,isimo iyo saraakiisha Ciidamada.
Bannaanbaxaasi ayaa waxa ka hadlay mas’uuliyiinta ay ka mid ahaayeen duqa Degmada Garowe,Guddoomiyaha Gobolka Nugaal,wasiirka arrimaha Gudaha,Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxa Hay’ada PAC oo dhammaantood ka wada hadlay dhibaatooyinka ay leedahay Burcad badeeda iyo dhibaatooyinka Caafimaad ee ay keenaan.
Sidoo kale waxaa Bannaanbaxaasi ka hadlay qaar ka mid ah isimada oo uu ka mid ahaa Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo isagu aad ugu nuuxnuuxsaday dhibaatada Burcad badeeda iyo Tahriibta uguna baaqay in la joojiyo Tahriibka iyo Afduubka dadka Bani’aadamka ah.
Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa ka hadlay Bannaabaxaasi Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday mowqifka ay ka taagan tahay DGPL Burcadbadeeda oo uu sheegay in ay dhibaato weyn ku hayaan Caalamka,waxaan ka codsanaynaa shacabka Puntland iyo culimadaba in dadka laga wacyi geliyo,kana fogaadaan,DGPL waxa ay beryahan ku hawlanayd sidii uala dagaalami lahaa burcad badeeda,waxaana ilaahay uga rajenayaa in uu kuwa ku jira uu soo hannuuniyo dawladuna ay u samayso shaqo abuur,hadaba waxaan idiinka digaynaa in aadaan ku lumen waxaas xaaraanta ah oo aynu meel uga soo wada jeedsano haddii ilaahay idmo.
Allidamaale.com
Your Reliable Sources