fagax.
Dagaal Culus oo la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in uu Maanta duhurnimadii dib uga bilaawday aaga fagax ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa la sheegayaa in uu yimid kagadaal Markii Ciidamo taabacsan Kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Hotel Napoli oo ay daganaayeen saraakiil ka tirsan kuwa Maxkamadaha Islaamka .
Hotellka Napoli ayaa waxaa u ku agyaalaa Hoteelka caanka ah ee Lafweyn ee Magaalada Muqdisho ee Degmada Yaakhshiid iyadoo Markii danbana dagaalku ku fiday aaga fagax iyo Nawaaxigiisa.
Dagaalkaan oo aan la ogayn khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay ayaa waxaa dabajoogaa dagaaladii Maalmahaan ka soconayay qaybo kamida Magaalada Mqudisho ,Kuawaasi oo u dhaxeeyay garabyada Hubaysan ee Islaamiyiinta.
Warar ay heshay Warbaahinta Gargaarka.Com ayaa sheegaya in ay dagaalka ku soo biireen Ciidamada taabacsan Xisbul Islaam waloow aanay jirin cid ka tirsan garabka xisbul islaam ee Dr Cumar Iimaan Abuubakar oo ka hadashay ama Sheegatay dagaalka kamid ahaan shihiisa.
Horay ayaa hadal uu warbaahinta u siiyay Dr Cumar Iimaan Abuubakar waxaa uu ku sheegay walibana ugu baaqay Ciidamadooda in aanay qayb ka noqonin Dagaalada u dhaxeeya islaamiyiinta.
Maanta dugurnimadii ayay ahayd Markii Laba kamida dadka ku ganacsada Suuqa bakaaraha Lagu dilay bartamaha Suuqa iyadoo ilaa iyo hada aan la ogayn cid ka danbaysay ama sheegatay dilka ganacsatada.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa xiligaan waxaa ay gashay Marxalad Cusub oo horay looga baqayay Taasi oo ahayd cabsi laga qabay iska horimaad u dhaxeeya islaamiyiinta oo ka bilaawda Muqdisho.
Gargaarka.Com : Xassan Cadde
Cadde09@Hotmail.Com
Xaafiiska Wararka Gargaarka London.
Allahu Akbar!
May Allah slaughter them by the hands of the muqawamah wal mujahideen.

