
This is some funny stuff wallahi the new Presidents incomptetence to be President is catching up with him. The guy declared war today when the war started three days ago.

Dayniile.com
Wararka ka imaanaayo magaalada caasimadda ee Muqdisho ayaa sheegaya in caawa madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed uu shir xasaasi ah kula jiro qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin culumaaudiinka , odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamadda gaar ahaan kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir.
Sheekh Shariif ayaa la hadlay dadkii uu la kulmay una sheegay inay u jeedaan meesha uu xaalku maraayo isla markaana ay tahay waajib diini ah oo muqadas ah in nimankaas la iska qabto.
Sheekh Shariif ayaa soo qaatay aayado ka mid ah quraanka kariimka iyo axaadiista nabiga iyo waliba sidii asxaabtii nabiga ay ula dagaaleem Khawariijtii dishay hogaamiyihii sadaxaad ee islaamka Sayid Cismaan Bin Cafaan(A.K.R.N.) wuxuuna sheegay in asxaabtii iyo taabiciyiintii iyo dadkii suubanaa ay u istaageen inay nimankaas xariga furtey ee dhiiga muslimiinta iyo xoolahoodaba baneystey iney jidka kusoo leexiyaan isla markaana ay ku guuleysteen.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in nimanka khawaarijta ay ku waligoodba ixtiraamin caalim iyo odey dhaqan toona isla markaana ay yihiin firqo luntay oo baadil xaq u heysta una dirireysa baadilkaas ay xaq ahaan u aamineen taasna ay keentay inay dilaan Cismaan Bin Cafaan oo nabigeenii Muxamed N.N.K.H.A uu ugu bishaareeyo janada isaga oo nool oo uu sheegay in danbigiisii hore iyo kiisii danbeba la dhaafay, Sheekh Shariif ayaa weydiiyey dadkii la joogay oo yiri ma idinla tahay dadkii Cismaan Bin Cafaan oo aan ognahay meesha uu ilaahay gaarsiiyey dhiigiisa iyo maalkiisa baneystey inay cid kale badbaadinayaan hadaan la iska dhicinin.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in culumadda ay fatwo diini ah ka soo saaraan xukunka qofka baneysta dhiiga iyo xoolaha muslimiinta isla markaana gaaleysiiya jamhuurta muslimiinta
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka codsaday ummadda Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka firqadaan baadiyoowdey ee rabta inay ummadda Soomaaliyeed ka fasahaadiyaan caqiidadooda saxiixda ah.
Madaxweyne Shariif ayaa u sheegay culumada iyo odeyaasha haddii aysan iyagu rabin inay tilmaamaan cida qaldan in isaga madaxweyne ahaan uu yahay hogaamiyihii ummadda Allaah uu weydiinaayo masuuliyadaas hadduu maanta dayaco oo ummada, dalka iyo diinta uu gacan galiyo Khawaarijta sidaa darteedna ay waajib ku tahay inuu difaaco dadka , diinta iyo dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne sheekh Shariif ayaa sheegay in Khawaarijtu ay ka qatarsan yihiin cilmaaniyiinta iyo qabqablayaasha dagaalka waayo wuxuu yiri kuwaas waxa ay ka fasahaadiyiinta dadka adduunkooda laakiin Khawaarijtu waxa ay dadka fasaahidisaa diintooda oo waxa ay diiin uga dhigtaa waxaan aheen diintii uu Allaah soo dejiyey iyo sunaddii nabigeenii Muxamed ahaa(N.N.K.H.A)
Kulankaan caawa oo ahaa kii ugu xasaasinaa oo Sheekh Shariif la qaato qeybaha bulshada ayaa loo malaynayaa inuu ahaa mid uu si dadban ugu sheegaayo inay culumaddu iyo odeyaasha aysan arimahaan maslaxo ku dhameyn karin oo aysan nimankaas uu ku sheegay Alkhawaarij ay goosteen dagaal sidii awalba lagu ay asxaabtii nabiga iyo taabiciiyiintii ula dagaalameen oo la iska dhiciyey.
Haddaba la arki doonee waxa xiga hadalada kulkulul ee kasoo yeeraya madaxweyne Shariif oo horey looga bartey nin nabadeed oo neceb dagaalka laakiinse maantay u muuqda in lagu qasbay dagaal aan la saadaalin karin cida ku guuleysanaysa isla markaana ay faraha la soo galeen dad ajaanib ah oo si bareer ah uga dhex diriraayo caasimadii soomaaliya ee Muqdisho.