Breaking News: Sharif Ahmed Called Puntland For Help
Posted: Sun May 10, 2009 6:20 pm
Breaking News: Sharif Ahmed Called Puntland For Help. They told him to Fly to Garowe ASAP.
The guy is losing Mogadishu and AU troops are already talking of pulling out if the International Community doesn't act.
Things are happening really fast in Mogadishu.
I will get the source for you guys if I can but as of now it's a inside story.
--------------------------
But here is the news of Him losing Mogadishu
Warbixin Qaas ah oo ku saabsan Dagaalladii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho, Iyo Shabaabka oo Xisbul-Islaam kaashanaya oo la wareegay Magaalada Muqdisho inteeda badan.
Muqdisho,10,May,2009 ,Axad,(Hillaac.net) Warbixintii ugu dambeysay ee naga oo gaartay Dagaallada lagu riiqmay ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Tibaaxeysa in Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab ay u suuragashay Dagaal aad u Ba'an Dabadiis in ay Gacanta ku dhigaan Isbartiibada Istaadiyo Muqdisho iyo Waddada Warshadaha oo Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Dagaallo soo noqnoqday ay ku dhex marayeen MMI Garabka Dowladda Taageersan iyo Alshabaab.
Sidoo kale Xoogagga Xisbul-Islaam ayaa isku ballaariyey Dhammaan Degmada Yaaqshiid Juungal, Huriwaa, Illaa Isgoyska fagax, Iyadoo sidoo kalena Dagaalladii ka soconayey Degmada Wadhiigleey ee u dhexeeyay Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Dowladda ay Dhinaca Xisbul-Islaam u Awood sheegteen Dhinacii kale e Xoogagga Dowladda Iyagoo weliba gubay 4 ka mid ah Gaadiidka Tiknikada ah ee ay Ciidamada Dowladdu Dagaalka u isticmaalayeen.
Sargaal sare oo Ciidamada Dowladda shalay uga dhaawacmay Dagaalladii Yaaqshiid oo Magaciisa la yiraahdo Nuur Daqle ayaa Xaaladdiisa laga soo deyrinayaa Isagoo uu Dhaawac culus soo gaaray Haatanna lagu Daweynayo Isbitaalka Keeysaneey ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiid Dagaal oo aad u fara badan oo ay leeyihiin Xoogagga Alshabaab kana kala yimid Dhinaca Beydhabo iyo Marka ayaa weli ku soo Qulqulaya Magaalada Muqdisho, Iyadoo Dhinaca Degmada Balcadna ay ka soo galeen Gurmad kale oo Xoogagga Alshabaab ay leeyihiin, Ururka Xisbul-Islaam ayaa iyaguna Gurmadyo Ciidan oo Baaxad weyn waxay ka soo kala gaareen Degmooyinka Afgooye iyo Qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, Waxana Magaalada Muqdisho ay la ciirciireysaa Ciidamo dhinac walba ka soo galaya oo intooda badan Gurmad ahaan u soo gaaraya Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab.
Dhinaca Dowladda ayaa sida la Xaqiijiyey Dagaalka ku wada jira Labadii qeybood ee kala ahaa MMI Garabka Dowladda raacay, Iyo Ciidamadii ka haray Dowladdii C/llaahi Yuusuf, Iyadoo Keydka Ciidan oo qura oo u haray uu yahay Ciidamada AMISOM oo Qiyaastii lagu sheegay 4000 Kun oo Askari oo haatan Xeryahooda aan meelna u dhaafin marka laga reebo Madaafiic ay hadba Xaafad ku ridayaan.
Shacabkii ku soo laabtay Magaalada Muqdisho markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen ayaa misana dib uga Qaxay oo Dhinac walba Magaalada uga baxay, Iyadoo Dhinaca Dowladda Markii ay Dagaalka Iclaaminayeen ay isku Haleeynayeen in ay Taageero ka heli doonaan Shacabka Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay Taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, Balse Shacabka Muqdisho oo ah Shacab ay Ragaadiyeen Dagaallo iyo Macluulo is biirsaday 19kii sano ee ugu dambeeyay ayaa Isku Halleyn iyo Taageero Siyasadeed oo laga sugaa ay noqoneysaa GAARAABIDHAAN.
Isku soo wadaduuboo Xaaladda cusub ee ay Magaalada Muqdisho gashay ayaa ah mid ka duwan sidii ay filayeen Kooxihii Dagaalka Iclaamiyey, Waxana Durbaba Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ay Eedeyn Dusha ka saareen Cumar Xaashi iyo Janaqoow oo iyagu sabab u ahaa Daandaansiga iyo Iclaaminta Dagaalka Muqdisho, Iyadoo Cumar Xaashi si gaar ah loogu eedeeyay in uu Madaxda Dowladda Itoobiya Ballan kula soo galay in uu Magaalada Muqdisho Dagaal u dhexeeya Soomaalida dhexdeeda ka Billaabo si Ciidamadii Tigreegu Xasuuqii ay Shacabka Soomaaliyeed badeen loogu dado.