Xasan Mahdi oo kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa xarakadda Xizbul Islaam oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in loo baahanyahay in gacmaha la isu qabsado sidii wadanka looga saari lahaa hadhaadiga ciidamada Nasaarada iyo kuwa u adeega.
“Waxaan leenahay ummadda Soomaaliyeed Gacmaha ha is qabsato inta hartay oo gaaladu ay haysato oo Nasaarada iyo waxa la halmaala ay fadhiyaan hala Israaciyo si dhibku Ummadda uga Haro” ayuu yidhi Dr. Xasan.
Dr. Xasan ayaa ku sheegay dagaaladii maalmahan ka socday Muqdisho dagaalo dulmi ah oo ay rag dagaal doon ahi ku soo qaadeen Mujaahidiintu goobihii ay ka talinayeen waasida uu hadalka u dhigaye. Asagoo arintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi ”Waa Dagaal dulmi cad ah oo aan geed loogu soo gaban oo Mujaahidiinta Soomaaliyeed lagu soo qaaday. Maalintii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay Xarakada Al-Shabaab, Xisbul Islaamina Shalay ayaa lagu daray Duhurkii”.
Dr. Xasan ayaa ku eedeeyay kooxaha soo weeraray inay dulmi iyo baadhil ay ka soo qaadeen Kenya, Ugandha, Ruwanda iyo Burundi ay ku baahinayaan magaalada Muqdisho. Wuxuu hadalka intaasi ku daray inaan xabad danbe ka dhacayn aagga ay hadda gacanta ku dhigeen hadii Alle idmo asagoo arintaasi tibaaxayana wuxuu yidhi ”Insha allah Xabbad danbe aaggan kama dhici doonto taana waxaa sabab u ah Mujrimiinta”.
Dr. Xasan oo ka hadlay mawqifkooda ku aadan sii socoshada dagaalka ayaa wuxuu sheegay inay madaxdooda ka sugayaan go’aanka ku aadan inay dagaalka sii wadaan iyo in kale.
Hadalka Dr. Xasan ayaa ku soo aadaya xili ay maanta xarakadooda oo ay is garabsanayaan xarakadda Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen fadhiisimo badan oo ay horay uga talinayeen ciidamada dawladda TFG iyo xoogagga MMI garabka ku biiray dawladda
Hizbulaah, we will finish them off
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 39 Replies
- 3380 Views
-
Last post by Ganjaweed
-
- 20 Replies
- 1029 Views
-
Last post by Naaima
-
- 2 Replies
- 473 Views
-
Last post by dhuusa_deer
-
- 2 Replies
- 337 Views
-
Last post by abucubeed
-
- 14 Replies
- 863 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 4 Replies
- 418 Views
-
Last post by Ms_Dynamite
-
- 25 Replies
- 981 Views
-
Last post by SultanBilal
-
- 19 Replies
- 1320 Views
-
Last post by military-mind
-
- 0 Replies
- 268 Views
-
Last post by Naaima
-
- 6 Replies
- 451 Views
-
Last post by Basra-