Abdi Wahab's wish is granted
Posted: Mon May 11, 2009 12:17 am
Muqdisho(AllPuntland)-Madaxweyne Shariif Shiikh aya hogaaminta dagaalka ay dawlada kula jirto mucaaradka ku wareejiyey Taliyaha Ciidamada Police-ka Somalia Cabdi xasan Cawaale qeybdiid iyo Taliya ku xigeenka ciidamada xooga dalka C/lahai Caray Gacma dule .
Talaabada uu madaxweynaha ugu wareejiyey labadaan sarkaal hogaaminta dagaalka ayaa keentay marki ciidamadii maxaakimta ay soo baneeyeen saldhig badan badan oo ay joogeen oo dhaca K/Muqdisho.
Madaxweyne shariif ayaa kulamo aan kala joogsi lahayn waxaa uu xalay ka waday xarunta madaxtooyada , waxaana uu kulankii ugu dheraa uu la yeeshay labadaan sarkaal iyo taliyaha ciidamada Amisom ee Muqdisho, waxaana uu ku wargaliyey in ciidamada dawlada ay siiyaan amar dagaal iyo in dib ay u soo celiayan xarumihi la qabsaday.
madaxweynaha aya dhinaca kale kulamo la yeeshayxalay Axmed Diiriye iyo Xaad , sidoo kale waxaa uu la kulmay hay'ada culimada mana cada waxa uu kala hadlay.
Madaxweyne Shariif aya waqti badan galinaya in dawladiisa ay shaqeyso si walbaba haku shaqeysee , waxaana uu bilaabay in uu dagaal iclaamiyaa kadib markii wadahadal iyo dib u heshiisin ay biday in dawladu ay ku soo koobmato Wadada Maka Al-Mukarama iyo W/Muqisho.