

Shabaab iyo Xasan Dahir oo khilaaf ka dhex dilaacay.
Mogadishu 11 May 2009 Waagacusub Media.
Maleeshiyadda Xisbul Islaam iyo xoogaga Khawaarijta Shabaab ayaa difaacyo horleh kala dhigtay ka gadaal markii uu Xasan Dahir Aweys ka goows adeegay inuu gacanta xulufadda Shabaab iyo Al Muhaajiriin ku wareejiyo hubkii uu kala wareegay Yusuf Indhacadde iyo Korneyl Goobaale.
Saraakiisha Xisbul Islaam Garabka Xasan Dahir ayaa waxaan la qaadan karin ku sifeeyay inay Tiknikadda Indhacadde iyo Goobaale ku wareejiyaan Shabaab hasse yeeshee xulufadda loogu yeero Khawaarijta qarniga waxay Sheekh Aweys ugu baaqeen inuu 48 saacadood ku soo wareejiyo waxay ugu yeereen hubka laga qaniimeeystay cadawga alle.
Xasan Dahir Aweys oo xaalad amaan ugu baxay dhinaca degmadda Afgooye ee gobolka Shabeeladda hoose ayaa sheegay inaysan Indhacadde iyo goobaale ahayn cadaw ilaah balse ay yihiin Mujaahidiin u soo halgamay dalka Somalia.
Somalia Latest News English
"Indhacadde iyo Goobaale maaha cadaw ilaah,waana Mujaahidiin,cidii hubkooda u soo hanqal taageeyso waxaanu u aragnaa koox fidno wado"ayuu yiri Sheekh Aweys oo ergo ka socotay Shabaab la hadlayay.
Xasan Dahir wuxuu labo sano fariisin ku lahaa Magaaladda Asmara ee Eretria wuxuuna ka mid yahay ragga ku jira liiska argagixisada ee Xukumadda Washington faafisay.
Kooxaha ajnabiga iyo Somalida ee calanka madoow ka dhigtay astaanta waxay Somalia ka geeysteen gabood falo ka baxsan diinta Islaamka,Bini-aadamnimada iyo Somalinimada,waxaana saadaal hor dhaca lagu sheegay inay ugu dambeyn fooda is darayaan Xasan Dahir sikastoo ay ugu heshiiyaan is xulufeeysi ka dhana dowladda federalka ee Amiirkoodii Maxaakiimta hogaamiyo,Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed.
By Dahir Abdulle Alasow
dahiralasow@yahoo.com