Al Shabaab Put All Their Might To Take Villa Somalia

Important topics on Somalia national matters.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Al Shabaab Put All Their Might To Take Villa Somalia

Post by Somalian_Boqor »

VILLA SOMALIA CLOSE TO FALL.

hillaac on May 11 2009


Xoogagga Al-Shabaab oo Jihooyin dhowr ah ka soo weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Iyo Madaafiic lagu asqeeyay Magaalada Muqdisho.


War Deg-Deg ah:- Muqdisho,11,May,2009 ,Isniin,(Hillaac.net ) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xaafado aad ugu dhow Xarunta Madaxtooyada ay ka socdaan Dagaallo Fool-ka fool ah oo u dhexeeya Xoogagga Alshabaab iyo Xoogagga kale ee Dowladda taabacsan, Waxana Dagaalladaasi ay Xaafadahaasi ka qarxeen kadib markii Ciidamada Dowladdu ay ka warhelen Xoogagga Alshabaab oo Madaxtooyada ku soo dhawaaday meelo ku dhow-dhowna Rasaas ka soo tuuraya.

Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya Dagaalladaas la'isku habeensaday ayaa qeexaya in Xoogagga Alshabaab ay Gadaal u riixeen Ciidamada Dowladda, Waxase Xarunta Madaxtooyada ka soo dhacaya Madaafiic aan kala hakaneynin oo lagu garaacayo Xaafadaha Magalada Muqdisho, Madaafiicda laga soo ridayo Madaxtooyada ayaa ah mid sida la sheegay ay halkaasi ka soo tuurayan Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka ah Madaxtooyada, Waxana jira Dhaawacyo iyo dhimasho Dad rayid ah ay ka soo gaartay Madaafiicda aan loo meel dayin ee ay Villa Soomaaliya ka soo tuurayaan Ciidamada AMISOM.

Faahfaahin dheeri oo Dagalladaas ku saabsan Dib baan idinkala soo socodsiin doonnaa haddii alle idmo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - National Matters”