Puntland Army sent to Galkacyo
Posted: Wed May 13, 2009 5:03 am
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5132&z=2
Garowe: Ciidamo ka socda Dawladda Puntland oo loo diray magaalada Gaalkacyo.
12. maj 2009
Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa go'aansatay in ay ciidamo suga amaanka magaalada Gaalkacyo udirto magaaladaasi, xili ay magaaladaasi tahay meel uusan wanaagsaneyn amaankeeda ayna dad badan ku nool yihiin.
Ciidamadan ayaa ka tagay magaalada Garowe ayagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo, waxaana lafilayaa in ay magaaladaasi wax ka qabtaan amaankeeda, ayagoo sugaya amaanka xarumaha dawladda iyo amaanka saraakiisha dawladda Puntland.
Ciidamadu waxa ay sidoo kale soo celin doonaan amaanka magaalada oo aysan dadka magaaladu kalsooni buuxda ku qabin, ayadoo ay jireen ciidamo badan oo jooga magaalada Gaalkacyo, kuwasoo joogo fariisimaha Saldhigyada, Xabsiyada iyo xarumaha dawladda ee gobalkaasi.
Masuul sare oo ka tirsan Aqalka Madaxtooyada kana gaabsaday magaciisa ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadan diritaankoodu yimid, markii uu Madaxweyne Faroole helay codsiyo badan oo ka yimid dadka magaalada Gaalkacyo, kuwasoo ku aadan in amaanka magaalada laga shaqeeyo, lagana hortago falal badan oo amaan daro kana dhacay magaalada.
Magaalada Gaalkacyo waa magaalo ay dagan yihiin dad badan, waa magaalo isku xirta gobalo badan oo Soomaaliyeed, waana magaalo ay ka jiraan siyaasado isdiidan, waxaana kala maamula Puntland & maamulka GalMudug State oo ay sannado dhaw sameysteen dadka daga Koonfurta magaaladaasi.
Sannadkii hore iyo sannadkan magaalada Gaalkacyo ayaa martigalisay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo aan la qoon cida geystay, waxaana dilalkaasi iyo qaraxyadaasi oo ugu dambeeyey qarax lugu dilay Col. Yaasiin Axmed Jaamac (Sanweyne) oo ahaa madaxii ugu sareeyey Hay'ada La dagaalanka Argagixisada ama Sirdoonka ee Puntland.
F. C. Geylan
AllPuntland