New Xoriyo Airways opens for business

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

New Xoriyo Airways opens for business

Post by yawle »

Image

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe ayaa shallay xadhiga ka jaray shirkada diyaaradaha ee Xorriyo Airways oo ku soo biirtey diyaaradaha duullimaadyada ee u kala goosha Somaliland iyo dalalka Imaaraadka, taas oo shalay duullimaadkeedii u horreeyey ku soo cago-dhigatay madaarka madaalada Berbera ee gobolka Saaxil, kana soo duushay magaalada Dubai.

Munaasibad loo sammeeyey furitaanka diyaaradda Xorriyo Airways oo ah nooca waaweyn ee loo yaqaan (Boin) oo lagu qabtay madaarka Berbera, ayaa waxa ka soo qaybgalay massuulliinta gobolka Saaxil oo ay ka mid yihiin Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Badhasaabka Maxamed Cabdillahi Maxamed, xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Berbera, cuqaal, sallaadiin, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo xubno ka tirsan wakiillada diyaaradda Xorriyo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Haybe Muxumed oo munaasibadaas hadal kooban ka jeediyey ayaa si weyn u soo dhaweeyey halwgalka duullimaad ee diyaaradda Xorriyo ka bilowdey Somalilan , isagoo tilmaamay in ay tahay mid baahi weyn loo qabay diyaaraddan xorriyo, isla markaana wax weyn ku soo kordhin doonto isu-socodka Somaliland iyo caallamka.

Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamed Cabdillahi Maxamed oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa si gaa ugu mahadnaqay dhallinyarada wakiilka ka ah diyaaradda Xorriyo oo uu ku sifeeyey dhallinyaro dedaal iyo karti badan la yimi, isla markaana ay maamul ahaan la shaqayn doonaan “Siddii looga midho dhallin lahaa dedaalka ay dhallinyaradaasi keeneen ee ay dalkooda iyo dalkoodaba ku soo kordhiyeen” ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.

Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey wakiillada diyaaradda Xorriyo oo uu ku tilmaamay in tahay horumar loo baahnaa oo dalka ku soo kordhay.

Warsamme Axmed Aw-Aadan oo ka mid wakiillada diyaaradda cusub ee Xorriyo Airways oo ka warbixiyey qaabka diyaaraddani u shaqaynayso, ayaa sheegay in Xorriyo Airways si joogto ah ugu kala gooshi doonto wadamada Imaaraadka Carabta iyo iyo Somaliland oo ay soo caga-dhigan doonto madaarka weyn ee Berbera, maadaama aanay soo fadhiisan Karin madaarka Hargeysa oo aan oogu tallo-gelin in diyaaradaha waaweyni soo fadhiistaan.

Warsame waxa uu intaa raaciyey in diyaaradani xidhiidh la leedahay Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, isla markaana ay xafiisyo kala duwan ku leeyihiin magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco, iyadoo ay xorriyo Airways aad uga qimo jaban tahay diyaaradaha dalka ka shaqeeya.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ka tirsan sallaadiinta gobolka Saaxil oo gebogebadii munaasibadaas ka hadlay, ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday in wax laga qabto madaarka weyn ee Berbera oo uu xusay in uu wax badan ka tari lahaa siddii ay u fududaan lahayd imaatinka diyaaradaha waaweyn, waxaanuu yidhi suldaanku “Salaankaa 1993kii ayaanu Riixaynay welina kiibaa yaala, xukuumada waxaan leeyahay garoonka yar ee Hargeysa kanaa ka Caalami ah oo ka muhiimsan oo mudan in la dayactiro sidaa markaan leeyahay uma hadlayo Reer Saaxilnimo ee waxaan u hadlayaa Qaranimo Diyaaradan Cusubna ilaahay ha barakeyo ayaan layahay" -Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh ayaa yidhi sidaa.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by The_Emperior5 »

how many companys do we have in somaliland oo dhinaca diyaaradah ku sahabsan,
suhurro airways
star african air
daalo airlines
xorrio airways.

:sland: :up:
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by sheekh-Farax-zero »

ad jubba airways and damal air in your list :clap:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by The_Emperior5 »

sheekh-Farax-zero wrote:ad jubba airways and damal air in your list :clap:

kuwasii manay kiciin i once waxan racay damal airlines 2003 from dubai going ot hargeisa.that plane is shit water comes out of the air-conditioning.
The stewards of those airplane only give drinks to the people they know.
:lol:
Oday warsangaly almost dried out and my sister screamed and said odaygu biyaa siiyaa inkaarii idinku dhacday,
laander8
Posts: 228
Joined: Mon Feb 16, 2009 6:01 pm

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by laander8 »

^ :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
*Nobleman*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6864
Joined: Wed Jul 13, 2005 2:49 pm
Location: United- Not arrogant, just better

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by *Nobleman* »

Xoriyo, waa a quality airline. Manshallah :up:
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by sheekh-Farax-zero »

*Nobleman* wrote:Xoriyo, waa a quality airline. Manshallah :up:
what quality?,,, they all grounded Russian Aircrafts,
User avatar
Looyaan_Junior
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 767
Joined: Fri Sep 19, 2008 4:07 am
Location: Dhegahbur, Ogaden

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by Looyaan_Junior »

sheekh-Farax-zero wrote: what quality?,,, they all grounded Russian Aircrafts,
They are using Boeing 737 aircraft, vey modern indeed. You obviously haven't read the article

http://www.xorriyoairways.com/
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by sheekh-Farax-zero »

sxb walaah from 2002 , 3 mar ayaan somalia tagay waxaan raacay

1-Daallo
-jubba air-
Galad air

dhamaantood webside bay leeyihhiin been ayaana ku qoran ,, don't believe that shiiiiit,
runtii all waa old Rashian aircrafts.
User avatar
Looyaan_Junior
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 767
Joined: Fri Sep 19, 2008 4:07 am
Location: Dhegahbur, Ogaden

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by Looyaan_Junior »

Shekh Faarax...

Yeah I know allmost all the Somali air companies use some second hand antonov planes leased from rogue states like Ukraine and Belarus (Russian formerly). I was only citing what the article and the website of the company was stating.

I would be very upset if I pay a ticket hoping to fly with boeing plane but offered abused antonov instead - that is bloody deception
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by The_Emperior5 »

yawel who is the owner do you have a name for me.?
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by sheekh-Farax-zero »

Looyaan_Junior wrote: I would be very upset if I pay a ticket hoping to fly with boeing plane but offered abused antonov instead - that is bloody deception
the only place that boeing plane can land is Xamar or Berbera,, the rest airstrips don't have tarmac runway :arrow:
Captain24
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6716
Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by Captain24 »

War wuxu faan badana ma Majerteen baa :lost:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by Dhaga Bacayl »

sheekh-Farax-zero wrote:sxb walaah from 2002 , 3 mar ayaan somalia tagay waxaan raacay

1-Daallo
-jubba air-
Galad air

dhamaantood webside bay leeyihhiin been ayaana ku qoran ,, don't believe that shiiiiit,
runtii all waa old Rashian aircrafts.

Daalo is well stablished airline with clear guidlines. They have thier own desk at Hethrow. i NEVER heard of galadbair.

Africa Air is al so very good airline. It lands berbera and they have thier on buses that will take you from and to Hargeisa and Burco.

Xoriyo sounds another quality airline. Big up to Somalilanders every where.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: New Xoriyo Airways opens for business

Post by Somalian_Boqor »

Xoriyo Airways kulah

Inadeer the Somali State will return soon very soon and one Airline will be flying in and out of Somalia with Proud Somali Pilots like myself Flying it.


Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”