Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da'ay magaalada Galkacyo, iy

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da'ay magaalada Galkacyo, iy

Post by sheekh-Farax-zero »

Galkacyo, May 13 | Roobkii gu'ga ayaa ka hooray meelo ka mid ah gobolka Mudug oo ahaa meelihii ay ka jireen abaaruhu sanadihii ugu danbeeyey. Waxaa magaalada Galkacyo xalay ka da'ay roob xoogle oo si weyn loogu diirsaday, kaasi oo xareedda waray waddooyinka magaalada iyo meelaha biyo qabatinka ah ee ka baxsan magaalada.

Roobkaan oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa si ballaarann u biyo dhigay gudaha dibadda magaalada Galkacyo, waxaana roobabka la wadaaga Galkacyo, tuulooyinka ku xeeran magaalada ee aan ka durugsanayn, waxaana la tilmaamayaa roobkaani in uu seejiyey tuulooyin iyo degmooyin badan oo isla gobolka ka tirsan.

Roobkaan oo si toos ah isla markaana kararleh u da’ayey muddo ku dhow hal saac ayaa wax weyn ka badalay kulaynkii iyo jawi abaareedkii muddada laga dareemayey gudaha iyo daafaha magaalada Galkacyo, mana jiraan wax khasaare ah oo uu geystay intii uu da’ayey iyo haatan oo biyuhu ceegaagaan waddoyinka magaalada.

Dhinaca kalana meelo badan oo ka mid ah deegaanada DG Puntland ayaa laga soo sheegayaa in uu ka hooray roobka gu’gu taasi oo ay ka mid tahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, iyo deegaanno isla gobolkaasi ka tirsan.

Roobabkaan ayaa ku soo beegmay xilli maalintii Sabtida ahayd roob doon ballaaran laga sameeyey gobollada Puntland, waxaana tii ugu weynayd ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi oo madaxweynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) uu boqolaal dadweyne ah kala qeyb galay roob doonta.

C/fitaax Cumar Geelle,
Idaacada Daljir.
Masha-allaaaaaaaah
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”