14 May 14, 2009 - 11:11:07 PM
Garowe,Puntland:Madaxweynaha DGPL iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta la kulmay wefti ka socda wordbank.
Weftigan ayaa ka koobnaa labo xubnood oo kala ah Eric Johnson Orgasation officer (Washington) iyo Ilonas E.Mchomvu,Transport Specialist(Dara-Salaam).
Ujeedada socdaalka weftigan ayaa ah sidii ay maamulka Puntland uga wada hadli lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa mashaariicda ay inta badan fuliyaan Hay’ada WordBank oo intooda badan maamulada ka taageera dhinacayada Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,dhalinyarada iyo dhiirigelinta ganacsiga xorta ah.
Kulankan maanta ayaa waxa joogay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Faarax Aadan Dhalac a,wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac,wasiirka Dekedaha,agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
Hadaba kulankasi maanta ayaa waxa warbixin ku saabsan xaaladda Puntland ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPl Dr. Cabdiraxman Sh.Maxamed Maxamud, madaxweynaha ayaa warbixintiisa ku daray in laga cawiyo dhisida wadoyinka isku xira Boosaaso iyo lafagoroyo,wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo taasi oo aad u burbursan,maaliyada.
Madax weftiga WordBank Mr Eric Johnson ayaa isna ka warbixiyey waxyabaha ay rabaan in ay wax ka qabtaan iyo waxyaabaha baahida weyn uu u qabo maamulka Puntland waxayna sheegeen in ay hada u hayaan ama ay ugu talagaleen Maamulka Puntland1.5milyan oo doollarka Maraykanka ah,hadana ay diyaar tahay lacag horumarin ah oo degdeg ah gaaraysana 250milyan oo doolarka Maraykanka oo aad ku qabsan kartaan wixii degdeg ah ee aad hadda u baahan tihiin.
Kulankasi manta ay wada yesheen Maamulka Puntland iyo weftiga Workbanka oo qaatay mudo saacado ah ayaa laysku afgartay,ayna uga mahadceliyeen weftigu sida diiran ee loo soo dhoweeyey iyo amniga buuxa ee ka jira Puntland.
Puntlandgov.com
