areas covered: ONLF nuetralize's efforts by the habash to raise a dhabqoodhi militia, news from afdheer- ONLF welcomed warmly, etc
Home Wararka Ogaden Dagaalo lagu jabiyey ciidanka Wayaanaha labadii todobaad ee u dambaysay.
Dagaalo lagu jabiyey ciidanka Wayaanaha labadii todobaad ee u dambaysay.
Friday, 15 May 2009 04:30
Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayay dagaalo fara badan ku qaadeen ciidanka Xoreynta Ogadenya fadhiisimada ciidanka gumaysiga Itoobiya ku leeyahay dalka Ogadenya.
Dagaaladaas ayaa waxaa cadowga lagaga dilay inta la hubo 80 askari, halka 74 kalana lagaga dhaawacay hub iyo saanad milatarina lagaga qabsaday.
Intii ka dambaysay digniintii Hogaanka gaashaandhiga jwxo uu u jeediyey dhalinyarada la doonayo in lagu gadaamo ciidamada gumaysiga Iyoobiya ee aan mooraalka u haynin inay ka hortagaan N/hurayaasha waxaa yaraaday dabaqoodhigii iyagoo qaar badan oo kamid ah ay kusoo biireen ciidanka Xoreynta Ogadenya kadib markay ogaadeen ujeedadii laga lahaa
Iyadoo ay weli digniintii socoto ayay hadana CWXO weeraraan xeryaha loo ooday in lagu tababaro daba-qoodhiga si dhalinyarada looga badbaadiyo inay la dagaalamaan walaalahooda naftooda u huray xoriyadda , isla marahaantaa in laga waaniyo dambiyada ay ka galayaan dadweynaha.
Waxa todobaadkii la soo dhaafay la weeraray xeryo ay dagan yihiin daba-qoodhiga Jerar gaar ahaan aagga ku dhaw xadka waqooyiga Somaliya aynu la leenahay, waxaana dagaalkaa lagu dilay labo, iyadoo la kaxastay koox kale, meesha ilaa 15 qori laga Qaaday. Markii lala hadlay oo la waaniyay waxay aqbaleen taladii loo soo jeediyay oo ahayd in ay ka waantoobaan falal dambiyeed uu gumaysiga doonayo inuu galiyo.isla markaana waxay si buuxda u aqbaleen inay waanadaas qaadanayaan.
Warar naxdinta leh soo Radio Xoriyo kasoo gaadhaya wadanka Ogadenya in 5tii bishan lagu gawracay 3 Duqay ah tuulada Barmiil ee Dagmada Dhuxun, odayadaas oo inta gaadhi lagu Qaaday tuulada duleedkeda lagula dagay kadibna lagu gowracay meeshaas. Magacyada sida ay nugu soo gaareen waxay ahaayeen.
Saxane Qallinle
Abdullaahi Khaliif
Macallin Saxardiid
Dhanka kale waxaa baryahan ciidanka xoreynta Ogadenya isku balaadhinayay guud ahaan gayiga ogadenya gaar ahaana gobolka Afdheer , wararka naga soo gaadhaya gobolka Afdheer ayaa shegay in haatan uu gobolka guu ahaan ka socdo abaabul xaga bulshada ah oo ay wadaan waxgaradka iyo bulshada ku nool gobolkaasi,bulshada ku dhaqan gobolka Afdheer ayaa wada taageero iyo dhaqaale uruurin xoog leh oo ay u fidinayaan ciidanka wadaniga xoreynta Ogadenya ee baryahan dambe soo ceegaagay gobolka Afdheer.
Wararka Radio Xoriyo soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in dhammaan bulshada gobolka Afdheer ay ku jiraan soo dhaweyn balaadhan oo ay soo dhaweynayaan ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya iyadoo ilaa iyo hada ciidanka Xoreynta Ogadenya lagu wareejiyey hanti dhan boqolaal neef oo isgu jira Geel,Lo,o iyo Adhi , meelaha qaarkood ayaad arkaysaa iyadoo dadku ay lulayaan caleemo qoyan oo uu wajiyadoodu ka muuqdo jawi farxadeed aadna ugu faraxsan in ciidanka xoreynta Ogadenya uu soo gaadho gobolka Afdheer waxaana kamid ah meelaha sida aadka ah loogu soo dhaweeyey tuulada Dharaaye.
Dhanka kale waxaa gobolka Afdheer maalmahan gaadhay masuuliyiin ka tirsan Jabhadda Wadiniga Xoreynta Ogadenya isla markaana uu horkacayay gudoomiyaha hogaanka Gaashaandhiga ee jwxo iyo masuuliyiin ka tirsan golaha dhexe ee jwxo , waxayna la kulmee waxgaradka iyo oday dhaqameedyada gobolka Afdheer.
Mar ay ka hadlayeen madax dhaqameedyadu codsigii itoobiya ee ahaa inay ka hortagaan ciidanka xoreynta Ogadenya ayay odayadu cadeeyeen inaysan u oolin inay la dagaalamaan ururka onlf ee kasoo horejeeda gumaysiga itoobiya balse ay tahay dowlada dhexe inay ka hortagto ciidanka xoreynta ogadenya haday iyaga khatar ku tahay waxayna odayadu cadeeyeen in ciidanka onlf uusan khatar ku ahayn gobolka Afdheer oo ay yihiin wiilashoodii oo xoreynaya.
Arintan ayuu aad uga xanaaqay Tawalde oo ahaa ninkii u khudbadaynayay odayada iyo shacabkii la isu keenay wuxuuna amar ku bixiyey diidmadaas kadib in la xidh xidho dhamaan odayaashii halkaa skusugna aoo dhannaa 55 oday oo uu kujiro ugaaskii gobolka Afdheer Ugaas Diire Ugaas Askar.
Halgan Guuleed
Radio Xoriyo
Situation report may 15: ogaden
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 915 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 7 Replies
- 669 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 6 Replies
- 905 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 8 Replies
- 807 Views
-
Last post by ABSAME'
-
- 0 Replies
- 273 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 1295 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 3 Replies
- 13095 Views
-
Last post by OAF
-
- 12 Replies
- 2870 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 16 Replies
- 5535 Views
-
Last post by Koronto91
-
- 28 Replies
- 10044 Views
-
Last post by IRONm@N