
Midowga Yurub oo qorshaynaya In ay Ciidamo u soo Diraan soomaaliya Ciidamadaasne Ay Hogaaminayaan Ethiopia oo Magaca AU ku soo Galaya Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa Qorsheeynaya in ay Somaliya Ciidamo U diraan,Qorshahaan Ciidanka loogu Diraayo Somalya aya waxa Iminkaba Muuqanaya In uu socdo Abaabul Baaxad leh oo lagu Doonayo In si Dhaqsi ah Somalya lagu geeyo Ciidamo Nabad ilaalin ah.
Waxaa Soo baxa warar Sheegaya in ay Ciidamada Midwga Yurub Ee Somaliya La geynaayo ay Hormuud U yihiin Ciidamada Itoopiya Kuwaas oo ku soo galaya Si sharciyaysan Isla Markaasna ay Si Toosa ah somaliya u soo gaarayaan,Sababta Itoopiya ay Ciidamada Midowga Yurub u Horkaceyso ayaa waxa ay tahay Madaama ay Itoopiya Daris la tahay Somaliya Isla Markasna ay Xog ogaal U yihiin Arrimaha Somaliya.
Sidoo kale Ciidama Somaliya Loo diraayo ayaa waxa kamida wada dhowr ah sida Frane Iyo Spain Oo kol hore Sheegay in ay Somaliya Ciidamo u dirayaan,Waxaa jira Sidoo kale wadamo Doonaya in ay Ciidamo u Diraan Somaliya oo aanan Wali Shaacinin .
Dhawaan ayay aheyd Marki ay Dowlada Islamiga ah ee Indosiya ay Ku baaqday In Somaliya Loo diro Ciidamo ka socda Wadamada Islaamka Waloow aysan Jirin Talaabo Muuqata oo ay Umatul Carab Diyaar Ugu yihiin In sida U gu Dhaqsiyaha badan ay Ciidamo Car Beed ku geeyaan Somaliya
Talaabadaan ay Midowga Yurub Ku Doonayaa in ay Somaliya La Diro Ciidamo Caalami Ah ayaa waxa aan La Ogeyn Waxa Xilligaan Ku soo Beegay oo ay Dalka Somaliya Gaar ahaan Magaalaga Muqdisho ay ka Jiraan Daagaalo Faraha Looga Gubtay Kuwaas oo Dhaxeeya Dowlada KMG ah Ee Somaliya Iyo Kooxo Islaamiyiin ah Oo Xaga Awooda Kaga Roonadaya Dowlada KMG Ah aya waxa ay Ciidamadaan Dag Daga ah U muqanayaan Kuwo ay Midowga Yurub Ku Doonayaan In Ay Ku Badbaadiyaan Dow lada Somaliya.
Si kastaba aha ahaate waxa aan la ogeyn Goorta ay Imaan Doonaan Ciidamadan Ka Socda Midowga Yurub Ee Somaliya Imaanaya Walow ay jiraan bal qaadyo badan oo ay Marar badan Sameyeen Dowladaha Quwada Ku Caalamka Oo Ahaa in ay Somalia Ciidamo U sii dirayaan Oo hadana aan loo fulin Sidii Loo balan Qaaday.
Xafiska Nairobi
C/Kaafi Mahamud Carab
Kaaficarab20@hotmail .com
