Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by zingii »

Shirkadda Filimada sameysa ee Hollywood oo filim ka sameyneysa Burcad Badeedka Soomaalida
Image
Bidix: Andrew Mwangura iyo Samuel L Jackson SAWIRKA: Xan Rice, Eamonn McCormack/Wireimage/Getty Images


--------------------------------------------------------------------------------


Jimco, May 15, 2009(HOL): Shirkadda Filimada sameysa ee Hollywood ayaa dooneysa in ay sameyso filim ka hadlaya kooxaha burcad badeedka Soomaalida, iyadoo filimkaasna uu jilayo Samuel L Jackson oo ah jilaa madow ah oo sameeyay filimaan caan-baxay. Samuel L Jackson wuxuu meteli doonaa Andrew Mwangura oo lagu bartay dhexdhexaadinta kooxaha Burcad Badeedka ah ee wax qafaasha iyo Dadka leh maraakiibta la qafaasho.

Filimkan oo ah fal-sameyn (Action) ayaa wuxuu Samuel L Jackson ku dhexdhexaadin doonaa kooxaha Burcad Badeedka iyo milkilayaasha Maraakiibta la qabsado, iyadoo dabcanna ay ku jiri doonaan howlgallo uu Mareykanka isku xayeesiin doono sida howlgalkii ay Ciidamada Mareykanka ku furteen Captain Richard Phillips oo ay qabsadeen Kooxo Burcad BAdeed, hayeeshee ugu dambeyntii xoog lagu sii daayay, iyadoo la dilay seddex ka mid ah afar bucad badeed ah oo heystay.

Andrew Mwangura oo 47 sano ah waxaa uu ka tirsan yahay Hay'ad Badaha Bariga Afrika qaabilsan oo fadhigeedu yahay Kenya, wuxuuna ku soo caan-baxay xalinta af-duubyada ka dhaca Xeebaha Soomaaliya. Haddaba Shirkadda Filimada Hollywood oo ay soo jiidatay howsha dhexdhexaadinta ah ee uu sameeyo Andrew Mwangura, kadibna waxaa magaalada Mombasa tegay filim-sameeyaha Andras Hamori iyo jilaaga Samuel L Jackson , kuwaasi oo Andrew Mwangura kala hadlay arrimo ku saabsan in uu u ogolaado in ay magaciisa isticmaalaan, isla markaana ay filim ka sameeyaan.

Andrew Mwangura oo aan hadal badneyn, wuxuu ku nool yahay qol ay labo sariirood u taallo oo duleedka Mombasa ku yaalla, kaasi oo aan lahayn biyo, koronto, wuxuuna ka wel welaa ammaankiisa, iyadoo dhowr jeer loogu hanjabay in la dili doono. wuxuu heystaa afar taleefoon oo kuwa gacanta ah, kuwaasi oo aan soo dhicidda joojin, waxaana la soo xiriira kooxaha burcad badeedka, dadka leh maraakiibta ay burcad badeedka qafaashaan, ehellada dadka ay burcad badeedka qabsadaan iyo mararka qaarkood diblumaasiyiin.

Andrew Mwangura oo ka hadlayay kooxaha burcad badeedka waxaa uu sheegay in kooxaha ay markoodii hore ku sameysmeen si fudud oo ahayd iyagoo dagaal la galay maraakiib doomo kalluumeysi oo ay lahaayeen iyo qalab kale ka burburiyay, kadibna waxaa uu xusay in ay u xuubsiibteen in ay maraakiibta qafaashaan. waxaa uu intaas ku daray Mwangura in haddii ay Kooxaha Burcad Badeedka yihiin dembilayaal ay iyana sidoo kale dembilayaal yihiin Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya iyo weliba kuwa sunta khatarta ah ee warshadaha ka soo harta.

Andrew Mwangura ayaa marka ay la soo xiriiraan kooxaha Burcad Badeedka wuxuu kadib qoraal farriimeed u diraa wakaalaha wararka reer galbeedka qaarkood, kuwaasi oo sii shaaciya in Xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay Maraakiib si ay farriintaas ula socdaan dadka leh markabka la qafaashay iyo shaqaalaha la socda.

Howshan dhexdhexaadinta ah ee uu qabto Andrew Mwangura ayaa waxaa shaqo fiican ku tilmaamay Cyrus Modi oo madax ka ah Hay'adda Caalamiga ah ee Badaha, wuxuuna sheegay in uu qabto Mwangura howl badan oo ay qaban lahaayeen Hay'adaha Badaha. Mwangura ayaa mar sii horreysay waxaa xabsiga dhigtay Dowladda Kenya iyadoo lagu soo eedeeyay in uu warbixin qaldan ka gudbiyay Markab hub u waday Kenya, kaasi oo la sheegay in uu ku tilmaamay Mwangura mid u socda Koofurta Suudaan.

Waa Filimkii labaad oo ay Shirkadda Filimada Hollywood ka sameyso arrimo ku saabsan Soomaaliya, waxayna horay u sameysay filimkii caan-baxay ee Black Hawk Down, kaasi oo ku saabsanaa dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray sanadkii 1993-kii taageerayaashii Jen. Caydiid iyo Ciidamada Rangers-ka Mareykanka, iyadoo dagaalkaasna lagu dilay 18 Askari oo Mareykan ah, isla markaana labo diyaaradood looga soo riday, halka ay Ciidamada Mareykanka iyana dileen dad badan oo Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
User avatar
Super_woman*
Posts: 9
Joined: Sat May 16, 2009 3:12 am
Location: Tokyo

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by Super_woman* »

:lol: :lol: ..this movie should be interesting.
User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by nomadicwarlord »

Are they goin to shoot on location? :lol:


Just imagine, a film crew's boat gettin hijacked by the pirates.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by zingii »

nomadicwarlord wrote:Are they goin to shoot on location? :lol:


Just imagine, a film crew's boat gettin hijacked by the pirates.
:lol: Shekadaas waa mid waalan.
User avatar
Rabshoole
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10610
Joined: Fri Nov 30, 2001 7:00 pm
Location: Midwest

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by Rabshoole »

I don't think they'll make a movie about that. Sounds too good to be true.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by zingii »

Rabshoole wrote:I don't think they'll make a movie about that. Sounds too good to be true.
Dadkan mataqaanid miyaa? Fursad walba ay helaan oo isku faaniyaan ma gafaan.
Filinka dhan waxay iila egtahay inuu ku saabsanaandono sida ay u badbaadsheen
captankii oo kagana kaarta badsheen raga haystay.

wax walba iyaga un baa isku faansha, meeshii ceeb kaga timaadaana way qarshaan.
User avatar
Rabshoole
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10610
Joined: Fri Nov 30, 2001 7:00 pm
Location: Midwest

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by Rabshoole »

wax walba iyaga un baa isku faansha, meeshii ceeb kaga timaadaana way qarshaan.
Taas waa lagu ogyahay. Although theirs a slight chance ey dhici karto ineey sameeyan. Either way, We should protest against it. Just imagine how the world would view us as a nation ? makuula fiicaantahay arintaas ?
User avatar
*Nobleman*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6864
Joined: Wed Jul 13, 2005 2:49 pm
Location: United- Not arrogant, just better

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by *Nobleman* »

Minute this pirate shit kicked off i said to my boy, theres gonna be a film soon lol, cos hollywood is so original (not). Laakin at least this time dont get no west africans to play somali pirates idiots.
User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by nomadicwarlord »

There is casting calls for Puntlanders aged 15-35. Just visit your local Pirate Recruiting Agency for more information.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Somali Pirate Movie(Samuel L Jackson)

Post by zingii »

:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”