Page 1 of 1

Sheikh Macow survives assasination attempt

Posted: Sat May 16, 2009 7:49 am
by Somaliman50
Weerar qarax ah ayaa goordhaweyd lala beegsaday gawaari uu la socday Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow inkastoo uu ka badbaaday hadana waxaa dhaaca ka soo gaaray 2 ruux oo mid ka mid ah yahay wiil yar iyo midkaloo arday ahaa.

Weerakan oo ahaa 2-qarax oo nuuca miinda gacanta laga hago ah oo is xig xigay ayaa waxaa qaraxa ka dib rasaas badan oo ay rideen ilaaladiisa waxaa lagu soo qabtay 2 ruux oo la sheegay in ay iyagu hagayeen qaraxyadaasi.

Gudoomiyaha oo goordhaw saxaafada lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen rag qas wadayaal ah,kuwaasi oo uu sheegay in dhibaato ay ka wadaan goobo badan oo Gobolka ka tirsan.

Qalqal weyn ayaa laga dareemay Qaraxa ka dib gudaha Magaalada, iyadoo ay xirmeen isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka,qaar ka mid ah wadooyinka ayay ciidamada maamulka ay xireen.

Waxaa socoto baaritaano la xariira Qaraxaasi, iyadoo dhamaan wadooyinka gudaha Magaalada lagu arkayo ciidamo farabadan, kuwaasi oo baaritaano ku sameynayo Dadka iyo Gaadiidka waxaana saraakiisha amniga ee mamaulku ay sheegaan in bandow lagu soo rogay magaalada kaasoo bilaabi doono 8:00/2:00 fiidnimo

Qaraxayadan ka dhacayo gudaha Magaalada B/weyne ayaa u muuqda, kuwo ku sii badanayo ka dib markii xalay sedaan oo kale saldhig ciidan oo ku yaala buundoweyn qarax lala eegtay,kaas uu 1- qof ku dhintay 3- kalana ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba qaraxyadan ayaa ku soo beegmayo xilli dagaalo u dhaxeeyo xoogaga muqaawamada ay ka jiraan qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan mana muuqato saan saan lagu xalinayo Dagaaladan ku sii badanayo gudaha Gobolka

Dhanka kale dagaaladii ka soconayay degmada maxaas ayaa waxaa la sheegay in gacan ku hayta degamaasi ay mar kale dib u soo gasahay maleeshiyaadkii deegaankaasi ee dagaalka kula jiray kooxda Al-shabaab waxaana warku uu intaasi ku sii darayaa in Dagaalku uu wali ka socdo gooba ka baxasan Degmadaasi Maxaas.

Qasaaraha dagaalkan ayaa wali la xaqiijin Karin maadaama ay go’antahay isgaarsiinta Deegaanadaasi waxaana warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayanaa in qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi la soo gaarsiiyay Deegaanka Goobo oo dhowr iyo labaatan KM dhinaca Waqooyi ka xigto Degmada Maxaas.



Xafiiska Wararka Almaxaakim Baladweyne

Re: Sheikh Macow survives assasination attempt

Posted: Sat May 16, 2009 8:15 am
by Addoow
why do they want to kill him? isnt he an islamist? fuck alshaba and fuc k their new religion.