
Axad, May 17, 2009(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo wata dhowr iyo toban gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay ciidamo saaran yihiin ayaa wuxuu u wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha soomaaliya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in uu Shiikh Yuusuf si rasmi ah ugu soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya, kaddib wada hadallo labada dhinac dhexmaray.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo soo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu ka tirsanaa garab ka go’ay Xisbul Islaam, kaasi oo dhawaan wada hadallo la galay Dowladda Soomaaliya.
U soo wareegitaanka dhinaca Dowladda Soomaaliya ee Shiikh Yuusuf Indha-Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Shiikh Yuusuf uu sheegay in duruufo jiro aawgood uu hubkiisii ku wareejiyay dad ay ehello yihiin, walow haatan uu hubkiisii ula soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.
Shiikh Yuusuf Indha Cadde ayaa wuxuu ka tirsanaa kooxo si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, hayeeshee wuxuu dowladda ku soo dhawaaday kadib markii ay meel-marisay ina y dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka.
Kala soco halkan wixii ku soo kordha dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya